4746 Views

Soomaalida ku nool Magaalada Tromsø ee Woqooyiga Norwey oo si weyn ugu debaaldegty Munaasabadda Ciidul Adxaa +SAWIRRO.

Soomaalida ku nool Magaalada Tromsø ee Woqooyiga Norwey oo si weyn ugu debaaldegty Munaasabadda Ciidul Adxaa +SAWIRRO.
____________________________________________________________________________

Sptember 24, 2015  |  Tromsø – yadoo maanta ay tahay Maalintii ugu horreysay ee Ciidul Adha ayaa waxaa Muslimiinta ku nool Magaalada Tromsø oo ay Soomaalida qeyb ka tahay waxa ay ku dukudeen Salaaddii Ciidda gudaha Tromso Hallen ee Magaalada Tromsø waxaana isugu yimid hoolkaas boqolaal muslimiin ah oo ku kala nool gudaha iyo daafaha magaalada.

Soomaalida ku nool magaalada Tromsø iyo ajaaniibta kale ee islaamka ah ayaa la arkayay iyagoo isugu marxabeynaya maalintaan aadka u qiimaha badan ee loogu debaaldegayo munaasabadda Ciidda waxaana sidoo kale isu soo baxay dhammaan Odeyaasha,Waxgaradka,Dhallinyarada,Haweenka iyo Caruurta ku nool Tromsø oo si weyn looga dareemayay farxadda Ciidda.

Qeybahqa kala duwan ee Bulshada ayaa farxaddooda la wadaagay dhammaan Ummadda Islaamka ee ku nool daafaha adduunka iyagoo ka dalbday qof kasta oo muslim ah inuu gargaaro walaalahooda aan awoodin inay ka farxiyaan caruurtooda.

Culumaaudiinka Magaalada Tromsø ayaa iyaguna soo bandhigay Muxaadarooyin diini ah oo ku saabsan ahmiyadda ay leedahay Munaasabadda ceynkaan oo kale ee Ciidda , iyagoo ugu baaqay Ummadda Soomaaliyeed inay is cafiyaan oo ay u duceeyaan dalkooda si uu u noqdo wadan xasilloon oo ka gudba marxaladaha aan wanaagsaneyn.

ciid-trome-5 ciid-trome-4 ciid-trome-3 ciid-trome-2 ciid-trome-1

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment