3702 Views

“Shacabka Soomaaliyeed ha is cafiyaan, hana ka shaqeeyaan dib u dhiska iyo horumarka waddankooda’’

____________________________________________________________________________

d2

Muqdisho, 25 September 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta hambalyo u direy shacabka Soomaaliyeed iyo dhammaan ummada Muslimiinta munaasabadda Ciidul Adxa awgeed.

Madaxweynaha oo shacabka kala qeybgaley tukashada salaadda ciidda oo ka dhacdey Masjidka Isbahaysiga ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in maalintan weyn ee barakeysan loo baahan yahay in siyaabo badan looga faa’ideysto.

“Guud ahaan shacabka Soomaaliyeed iyo Muslimiinta waxaan u rajeynayaa in ciiddan uu mid barakeysan oo kheyr badan Ilaahay uga dhigo. Waa inaan Ilaahay u noqonaa, isna cafinaa, kadibna aan u wada jeesanaa sidii aan dalkeena dib ugu dhisan lahayn, horumarna u gaarsiin lahayn’’.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in diinta Islaamka ay ina fareyso midnimo, is-jaceyl iyo wax wada qabsi, shacabka Soomaaliyeed oo boqolkiiba boqol Muslim ahna loo baahan yahay inay taasi ka dhabeeyaan.
Waxaa kale oo uu Madaxweynaha shacabka Soomaaliyeed ugu baaqey inay gargaar inta ay awoodaan ay u fidiyaan dadka tabaaleysan ee dalka gudihiisa jooga, oo ay ku jiraan qaxootiga reer Yemen ee Soomaaliya u soo cararey dagaalada waddankooda ka socda awgood.

Tukashada salaadda Ciidul Adxa, waxaa Madaxweynaha kala qeyb galey Guddoomiyaha Baarlamanka Federaalka, Maxamed Cusmaan Jawaari, Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Cumar Carte, xubno kale oo ka tirsan Golaha Wasiirrada, Baarlamanka, taliyeyaasha ciidammada iyo mas’uuliyiin kale.

_______________

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment