3903 Views

Barakacayaal deeq Hilib ah loogu qaybiyay degmada Hodan

____________________________________________________________________________

hhhh-620x264Muqdisho, 26 September 2015:  Majmaca Culimada Soomaaliyeed ayaa hilib udxiyad ah u qeybiyeen qaarka mid ah dadka danta yar ee Nool Xiryaha Barakacayaasha ee kuyaalla Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Deeqda oo ka timid hay’ad laga leeyahay dalka turkiga ayaa qaybinteeda waxaa loo wakiishay Majmaca culimada Soomaaliyeed.

Guddoomiye kuxigeenka Majmaca Culimada Sheekh Axmed Macallin Yuusuf ayaa u sheegay Warbaahinta Qaranka in deeqdaan ay qaybiyeen ay ugu tala galeen in ay ka faa’iidaystaan dadka danyarta ah ee ku nool xirooyinka Barakacayaasha ee ku yaalla Nawaaxiga Isgoyska “Casa Populure “ ee degmada Hodan.

Qaar ka mid ah dadka deeqda hilibka ah loo qaybiyay ayaa u sheegay warbaahinta qaranka inay aad ugu faraxsan yihiin in ay maanta deeqdaan helaan iyagoo u mahad celiyay Dhammaan intii soo dhiib tay iyo intii soo gaarsiisay

_______________

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment