6450 Views

Madaxweynaha dalka oo u Amba baxay New York

____________________________________________________________________________

IB0A75221-620x264

Muqdisho, 26 September 2015: Madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka amba baxay dalka iyagoo ku siijeeda dalka Maraykanka.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa  waxaa garoonka ku sii sakootiyay Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke, Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha jamhuuriyadda Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdigiisa ayaa Magaalada NIYOK ee dalka Maraykanka uga qayb galidoona Shirka golaha ammaanka QM.

Xasan Sheekh Maxamuud  Madaxweynaha Soomaaliya  ayaa shirka Golaha Ammaanka QM ka jeedin doona qudbad uu uga hadli doono xaaladda Soomaaliya iyo Horumarrada Dowladda ay gaartay.

Madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  iyo wafdigiisa ayaa inta ay joogaan dalka Maraykanka waxa ay kulamo  gaar gaar ah la qaadan doonaan Madaxda dalkaas.

IB0A74701 (1)IB0A74841IB0A75121

_______________

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment