4401 Views

Taliska ciidanka ilaalada waddooyinka oo soo bandhigay wadayaal Bajaaj oo aan heysan leysin

____________________________________________________________________________

images (15)

Muqdisho, 26 September 2015:Taliska ciidanka ilaalada Waddooyinka ayaa soo bandhigay ku dhowaad 90 mootooyinka loo yaqaano Bajaajta oo taliska uu sheegay in ay ku xadgudbeen sharciga wadista gaadiidka.

Howlgallo ay ciidanka ilaalada waddooyinka ee taraafiko ay ka sameeyeen qaar kamid ah waddooyinka magaalada Muqdisho ayay ku soo qab qabteen 86 mooto oo ah kuwa Bajaajta loo yaqaan, kuwaasi oo dadkii waday aysan heysanin sharciyada wadista gaadiidka.

Taliyaha ciidanka ilaalada waddooyinka ee taraafiko Jeneraal Cali Xirsi Barre “Cali-gaab” oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in xarunta ay ku soo bandhigeen howlgallo ay shalay gelinkii dambe ka sameeyeen waddooyinka caasimadda, isagoo uga digay dadka sida sharci darrada ku wadaya gaadiidka nuucyadooda kala duwan

“Waxaan idin soo bandhigeynaa 86 mooto oo dadkii wada aysan heysanin leysin, marka dad u badan kuwa aan qaar ahayn ayaa ku jira, mana u ogolaan doono in si sharci darro ah gaadiidka loo wado, waxaana qaarkood ku amarnay inay goostaan leysin oo ah sharciga wadida gaadiidka, anagoo ka eegeyna dhanka caafimaadkooda, qof aan soo qabanay oo sharci darro ku wadi doono ma jiro”ayuu yiri Cali gab.

————————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment