3912 Views

Taliyaha cusub ee ciidanka xoogga dalka oo xilka la wareegay

____________________________________________________________________________

astaanta.qaranka-300x225

Muqdisho, 26 September 2015: Munaasabad oo ay xilka kula wareegayeen taliyaha iyo abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, isla markaana uu ka qeyb galay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda, saraakiisha ciidanka, qaar kamid ah danjireyaasha dowladaha caalamka u fadhiya dalka, taliyeyaasha ciidamada booliska iyo Nabad sugidda Qaranka iyo marti sharaf kale ayaa lagu qabtay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee Muqdisho.

Ra’iisul Mudane Cumar Cabdirashiid iyo mas’uuliyiintii la socday ayaa markii ay gaareen xarunta gaashaandhigga waxa ay salaam sharaf kaqaateen cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka, waxaana intaasi kaddib munaasabadda fanaaniinta kooxda Horseed ee ciidanka xoogga ay goobta ku soo bandhigeen suugaan ka hadlaysa waxqabadka ciidanka.

Abaanduuliyii hore ee ciidanka xoogga Dalka Sareeyo guuto Cabdirisaaq Khaliif Cilmi oo ka sheekeeynayay waxybihii u qabsoomey mudadii ay hayeen xilka ayaa xusay inay wax ka qabteen dib u habeynta ciidanka oo ay guddi u saareen tirikoobka ciidanka iyo sixidda darajada saraakiisha ciidanka xoogga dalka

Taliyihii hore ee ciidanka xoogga dalka Sareeyo Gaas Daahir Aadan Cilmi “Indho-qarshe” oo isna munaasabadda ka hadlay ayaa tilmaamay inay ku guuleysteen gacan ku heynta deeganno badan oo ay horey bulshada ugu dhibaateyn jireen kooxda UGUS, isagoo guulaha ciidanka ay gaareen ay bogaadiyeen.

Taliyaha cusub ee ciidanka xoogga dalka Sareeyo Gaas Maxamed Aadan Axmed iyo Abaanduulaha ciidanka Sareeyo Guuto Cali Baashi Maxamed ayaa balan qaaday in howsha loo idmaday ay halkeeda ka sii wadi doonaan, iyagoo codsaday in lala shaqeeyo oo gacan lagu siiyo waajibaadka loo idmaday.

Wasiir-dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Maxamed Cali Xagaa ayaa ku amaanay taliyihii hore iyo abaanduulihiisa waxyaabaha ay ka qabteen ciidanka.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo ugu dambeyntii goobta hadal kooban jeediyay ayaa kula dar daarmay hogaanka cusub ee ciidanka xooga dalka inay si hagaagsan u gutaan waajibaadka loo idmaday.

_______________

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment