4218 Views

Xildhibaano ka soo horjeestay go’aankii Gudoonka ee ku saabsanaa Moshinki la tuuray.

____________________________________________________________________________

Goodax-280x175

Muqdisho, 26 September 2015: Qaar Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ka mid ah, ayaa ka soo horjeestay go’aankii ka soo baxay Guddoonka Baarlamaanka ee lagu soo afjaray mooshinkii ka dhanka ahaa Madaxweynaha.

Gudoonka ayaa sheegay in moshinki loo bedelay hab wada hadal ah, balse taas ayaa waxaa diidan qar ka mid ah Xildhibaanadi mooshinka horay u keenaty

Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre oo ka mid ah Xildhibaanada mooshinka ka keenay Madaxweynaha ayaa sheegay in aan la tuuri karin mooshinka, isla markaana go’aanka Guddoonka uu yahay mid an loo dhameeyn.

“Go’aanka ka soo baxay Guddoomiyaha Baarlamaanka wax macno ah uu ku fadhiyo lama arko, mana ahan mid wax ka bedelaya wixii socday, mana ahan wax sahal ah looga dulqaadi karo qof, wax ka jirana lama arko,cid u hogaansameysana ma jirto”ayuu yiri Goodax oo  la hadlay BBC-da

Asaga oo hadlkiisa sii wata Goodax ayuu yiri “Guddoonka uma dhama waa hubnaa waxaan waa wax Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha ay moodeen inay wax xalineyso runtii xildhibaanada niyad samida muujiyay ee rabay waxaan hadii garawsho uu ka bixin karo Madaxweynaha la arko ee laga wada xaajoodo, Baaq ayayna Xildhibaanada ka soo saari doonaan”

Mar la weydiiyay inay ka qeyb galayaan wada hadalka uu ku baaqay Guddoonka Baarlamaanka inay isugu yimaadaan 7-da bisha October ayuu sheegay in aysan ka qeyb geli doonin.

“Wada hadalka kuma qasbani, mana tageyno Xildhibaanada ayaana go’aan ka gaaraya Guddoomiyaha arrintan dhex dhexaad kama ahan, wuxuu leeyahay wa la soo afjaray sii jiritaanka mooshinka, hadii mooshinka la soo afjaray waxa laga wada hadlayo maxay tahay”ayuu yiri C/llaahi Goodax Barre.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in aan mooshinka la tuuri karin, isla markaana mooshinka Madaxweynaha uu yahay mid culus, isla markaana aanu aheyn wax warqad lagu tuuri karo sida uu hadalka u dhigay.

Guddoonka Baarlamaanka aya shalay sheegay in 7-da bisha soo socota ee October la qaba doono wada hadal lagu dhameynayo arrimaha mooshinka, iyadoo kulanka ay ka soo qeyb galayaan, Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Ra’iisul Wasaaraha iyo Xildhibaanada mooshinka watay oo an la ogeeyn in uu u hir-geli-doono in kale.

“Marka la fiiriyo Xildhibaanada Mooshinka wado iyo fikradooda uma eka kuwa meel dheer wax gaaeyn karo.” Sidaa waxaa yiri nin siyaasi ah ee ka war qabo sida arinta u socoto.

_______________

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment