3975 Views

Fatahaadda Webiga Shabeelle oo laga hortagayo

____________________________________________________________________________

Muqdisho, 27 September 2015: SHABEELAGHHowlo lagu caro tuurayo goobaha inta badan oo ka fataho webiga Shabeele ee mara degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa laga bilaabay halkaasi iyadoo goobahaasi ay kormeereen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka.

Guddoomiyaha degmada Jowhar C/qaadir Maxamed Buur-fuule waxaana uu sheegay in u jeedada howshan ay tahay sidii looga hortagi lahaa fatahaada ay suurtagalka tahay marka ay da’aan roobabka mahiigaanka ah kuwaas oo hadda laga saadaalinaayo in ay ku soo wajahan yihiin gobolka Shabeelaha Dhexe.

Buur-fuule ayaa intaa ku daray in howsha caro tuurka ah ay ka qeyb qaadanayaan cagaf cagafyo iyo Baabuurta ciida daabusha kuwaas oo lagu guraayo ama lagu shubayo jawaano.

Cali C/laahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo ah guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegay in howshan maal wanaagsan marayso, isagoo sidoo kale sheegay in kormeerkooda uu sidoo kale la xirrirey indha indheen ay ku sameeyeen sida uu u socdo ganacsiga degmada Jowhar.

Degmada Jowhar iyo guud ahaan deegaanada uu maro webiga Shabeelaha ayaa inta badan waxaa uu ka geystaan fatahaad dhibaato u geysata dalaga beeraha iyo sidoo kale nolashad dadka iyo duunyada halkaas u dhaqan.

————————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment