4155 Views

Tababar loo furay saraakiisha Boliiska

____________________________________________________________________________

 

astaantaMuqdisho, 27 September 2015: Taliyaha ciidanka booliska, Jen. Moaxamed Sheekh Xasan, ayaa manta tababar magaalada Muqdisho uga furay saraakiil ka tirsan ciidanka booliska oo ka kala yimid gobolada dalka.

Tababarka saraakiishaan loo furay ayaa  socon doono afar maalmood, waxana la bari doonaa sharciyada booliska ee ku aadan hirgelinta fedreralka iyo wacyi-gelinta bulshada si ay ugu adeegan Qaranka
Taliyaha ciidanka booliska Saraayo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo furay tababarka ayaa sheegay in” ciidanka booliska uusan lahayn xuduud, isla markaana sharciyadiisay ay ka midtahay u adeegidda shacabka heer gobol ilaa iyo heer Qaran.”

Saraakiisha ayaa laga doonayaa in ay la shaqeeyaan hay’adaha dowlada oo dhan, gaar ahaan kuwa qaabishan amniga iyo nabadgelyada.

————————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment