3738 Views

Gudoomiye Ku-Xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka oo Nairobi Tababar ugu soo xiray Gudiga Maaliyada

Gudoomiye Ku-Xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka oo Nairobi Tababar ugu soo xiray Gudiga Maaliyada
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 28 September 2015: Gudoomiya ku xigeenka Koowaad ee golaha baarlamanka Soomaaliya mudane Jeylaani Nuur Iikar ayaa maanta magaalada Nairobi tababar mudo todobo maalmood ah socday ugu soo xiray gudiga baarlamaanka u qaabilsan maaliyadda,qorsheynta iyo la xisaabtanka xukuumada.

Tababarkan oo ay fududeysay hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan horumarinta barnaamiyada ee UNDP ayaa waxa uu ku saabsanaa dib u eegista hindise sharciyeedka la dagaalanka been xalaaleysashada lacagaha iyo ka hortagga maal galinta kooxaha  argagixisada ah.

Gudoomiyaha gudiga baarlamaanka u qaabilsan maaliyadda,qorsheynta iyo la xisaabtanka xildhibaan Samaan Maxamed Shiikh Daahir ayaa sheegay in mudada todobada maalmood ah ay gudigu qaateen qaateen duruus ku saabsan sharciga la dagaalanka been xalaaleysashada lacagaha iyo maali galinta argagixisada.

“Sharcigaas waa sharci ku cusub dalkeena,waxana ay xildhibaanadu galiyeen dadaal badan,waxaan imaanay anagoo fikir ka haysan sharcigan,laakin hada gudigu waxa ay heleen fahan fiican oo ku aadan waxa uu yahay sharcigan”Ayuu yiri gudoomiyaha gudiga Xildhibaan Samaan Maxamed Shiikh Daahir.

Sidoo kale Qaar ka mid ah xildhibanada Gudiga baaramaanka u qaabilsan Maaliyadda,qorsheynta iyo la xisaabtanka xukuumada ayaa sheegay in ay wax badan ka faa’ideen ka fahmeen hindise sharciyeedkan mudadii todobada maalmood ahayd oo uu tababarkan socday.

Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee golaha baarlamanka Soomaaliya mudane Jeylaani Nuur Iikar oo tababarka soo xiray ayaa waxa uu balanqaaday in marka uu furmo kalfadhig 7-aad ee Baarlamanka ay muhimad gaar ah siin doonaan hindise sharciyeedkan si uu u meel mariyo Baarlamaanka.

Gudoomiye Jeylaani ayaa u sheegay in gudiga maaliyadda,qorsheynta iyo la xisaabtanka xukuumada in ay hor taalo howl culus oo ay ka mid tahay xisaab xirka sanadkii 2014 iyo dajinta miisaaniyadda sanadkan 2016.

Hindise sharciyeedkan la dagaalanka been xalaaleysashada lacagaha iyo maal galinta argagixisada ayaa waxa uu ka mid yahay dhowr hindiso sharciyeed oo la filayo in baarlamaanka Soomaaliya uu meel mariyo marka uu bisha soo socota furmo kalfadhiga 7-aad ee baarlamaanka.

 

 

 

.

 

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment