4680 Views

Madaxweyne Xasan Sh. iyo Ban ki Moon oo shir guddoominaya kulan looga hadlayo xaaladda Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sh. iyo Ban ki Moon oo shir guddoominaya kulan looga hadlayo xaaladda Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 28 September 2015: Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki-moon ayaa maanta shir guddoominaya kulan gaar ah oo looga hadlayo xaaladda Soomaaliya kaasoo ka dhacaya magaalada New York.

Kulaanka waxaa ka  qeyb galaya dowladaha iyo ururada daneeya arrimaha Soomaaliya, iyadoo ujeedadu tahay sidii loo qiimeyn lahaa xaaladaha Amniga, siyaasada iyo qorshayaasha lagu gaarayo sanadka 2016-ka.

Daa’uud Aweys oo ah Afhayeenka madaxweynaha ayaa sheegay in kulankan uu yahay mid muhiim ah oo laga hadlayo qaabka loo wajahayo hiigsiga sanadka 2016-ka.

“Shirkan ujeedkiisa wuxuu yahay sidii qiimeyn loogu sameyn lahaa Xaalada Soomaaliya, gaar ahaan Amniga, Siyaasada iyo qorshayaasha kale ee kala guurka ah, wixii qabsoomay iyo qaabka loo wajahayo sanadka 2016″ayuu yiri Daa’uud Aweys oo la hadlayay Idaacada BBC-da.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Madaxweynaha uu ka qeyb geli doono kulan kale oo looga hadlayo arrimaha ammaanka oo ay yeelanayaan Madaxda wadamada Ciidamada ka jooga Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale magaalada New York kula kulmi doona Ra’iisul Wasaaraha Britain David Cameron iyo Boqorka Jordan Boqor Cabdalla.

.

————————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment