3888 Views

R/wasaaraha Britain oo xaqiijiyay in uu ciidamo u dirayo Soomaaliya iyo South Sudan

R/wasaaraha Britain oo xaqiijiyay in uu ciidamo u dirayo Soomaaliya iyo South Sudan
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 28 September 2015: R/wasaaraha Britain David Cameron ayaa xalay ku dhawaaqay inuu boqolaal askari  uu u dirayo waddamada Somaliya iyo South Sudan,

David Cameron R/wasaaraha Britain ayaa sheegay in ciidamadaasi ay ka qeyb qaadan doonaan la dagaallanka  xagjirnimada, iyagoo taageeraya ciidamada Nabad Ilaalinta Qaramada Midoobey.

Mr Cameron ayaa sheegay in 70  ka tirsan Ciidamada Milateriga ay u dirayaan Soomaaliya, si ay uga caawiyaan Ciidamada Nabad ilaalinta Midowga Afrika dagaalka ka dhanka ah argagixisada Shabaab..

Waxaa uu sheegay Cameron in dalkiisu uu 300  askari u dirayo waddanka Koofurta Sudan, halkaasoo labadii sano ee u dambeeyay ay dagaallo sokeeye ka oognaayeen.

R/wasaare Cameron ayaa sheegay in doorka ciidamada uu usoo dirayo Soomaaliya uusan noqon doonin dagaalka dhulka, balse ay ku koobnaan doonaan oo kaliya tababarka iyo taageerida xagga saadka ee Ciidamada nabad ilaalinta.

Ra’iisul Wasaaraha Britain ayaa sidoo kale sheegay inay qaadan doonaan taxadar aad u weyn oo ku aadan sidii looga fikiri lahaa ammaanka iyo nabadgelyada Ciidamadan.

Ra’iisul Wasaare Cameron ayaa maanta si rasmi ugu dhawaaqaya qorshihiisan, isagoo garab fadhiya Madaxweynaha Mareykanka Obama iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki-moon ee shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey oo ka furmaya magaalada New York ee dalka Mareykanka.

.

————————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment