4389 Views

Shir weynaha golaha Qaramada Midoobay oo maanta furmaya

Shir weynaha golaha Qaramada Midoobay oo maanta furmaya
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 28 September 2015: Maanta oo Isniin ah waxaa magaalada New York ee dalka Maraykanka ka furmaya shirweynaha golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay (General Assembly) kaasi oo sanadkan noqonaya kii 70-aad ee golahaasi yeesho.

Shirweynahan ayey sanadkan ka soo qeyb galayaan in ka badan 100 Madaxweyne iyo hogaamiyayaasha dalalka Caalamka, wuxuuna shirkan kusoo beegmayaa xili xiisado badan ay ka jiraan caalamka oo dhan.

Qodobada ugu waaweyn ee shirkan looga hadlayo waxaa  ka mid ah, arrimaha cimilada sii badalmeysa, dagaalada ka socda Bariga dhexe iyo xiisadaha ka jira Yurub ee la xariira Ukraine.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa markii ugu horeysay shirkan ka soo qeyb galaya muddo 10 sano ah, isagoo kulamo gaar ah la yeelan doona hogaamiyayasha Maraykanka, Iran iyo qaar kale oo ka mid ah dalalka Yurub. Walow Putin la sheegay inuu isla beri uu dib ugu noqon doono dalkiisa.

Madaxda  ka qeyb galaysa hirka oo khudbado ka jeedin doona golaha loo dhan yahay ayaa waxaa si gaar ah isha loogu hayaa khudbadaha Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama iyo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin xili ay markale xiisad ka dhex taagan tahay dalalkaasi oo lagu tilmaamo kuwa ugu awooda badan caalamka dhanka meleteriga.i.

Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud oo ka mid ah madaxda ka qeybgaleysa shirkaasi ayaa la filayo inuu  khudbad ka jeediyo fadhiga golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay.

.

————————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

.

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment