6564 Views

Safiirka Imaaraadka oo Muqdisho ku feeray mas’uul sare iyo Madax Soomalyeed oo Xaal ka qaatay!

Safiirka Imaaraadka oo Muqdisho ku feeray mas’uul sare iyo Madax Soomalyeed oo Xaal ka qaatay!
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 29 September 2015: –Dhacdo fool xumo badan, islamarkaana sharaf dhac ku ah madaxbanaanida Soomaaliya, ayaa 27-kii bishan September ka dhacday xarunta ciidamada badda Soomaaliya ee Shangaani ee Muqdisho, sida ay xog gaar ah ku heshay Caasimada Online.

Sida ay dad goobjoog ahaa inoo sheegeen, safiirka dalka isu tagga Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya Mohamed Al-Osmani, ayaa halkaas ugu gacan qaaday taliyaha ciidamada badda Soomaaliya General Madeey Nuurow Ufuroow.

Xogta ayaa sheegeysa in Mohamed Al-Osmani uu dharbaaxo iyo haraanti kala daalay general Madeey, oo ay is hadal dhaafeen. Waxaa arrinta ay ka dhalatay markii safiirka amray in xarunta ciidamada badda ka guuraan, isaga oo sheegay in dowladda ay siisay dowladda Imaaraadka. Waxaa yaab leh in Soomaali badan oo meesha ku sugneyd ay dhacdadan iska daawanayeen. 

Faarax C/qaadir iyo Cabdikariim Guuleed, ayaa lagu warramayaa inay taliyaha u geeyeen lacag 20 kun oo dollar ah, oo raali-gelin ah oo laga soo qaadaay Imaaraadka Carabta.

Taliye Madeey, waa uu diiday inuu qaato lacagtaas, wuxuuna amray in ninkan carabka ah dalka si deg deg ah uu uga baxo, haddii kale wixii ka yimaado joogitaankiisa ay mas’uul ka noqonayaan kuwa lacagta kasoo qaatay.

Source: Caasimada Online

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment