3822 Views

Shir looga hadlayay arrimaha Soomaaliya oo lagu soo geba gebeeyay New York

____________________________________________________________________________

 

unnamed-214-620x264

UN Secretary General, Ban Ki-moon (L) and Somalia’s President Hassan Sheikh Mahamud give a joint press conference on October 29, 2014 in Somalia’s capital, Mogadishu. UN chief Ban Ki-moon warned on October 29, 2014 that Somalia risks returning to famine barring urgent aid, as he visited the war-torn country three years since more than 250,000 people died of hunger. “Over three million Somalis are in need of humanitarian assistance and unfortunately that number is growing. I urge donors to step up contributions to avert another famine in Somalia,” Ban told reporters in the capital Mogadishu. AFP PHOTO/Mohamed ABDIWAHAB (Photo credit should read Mohamed Abdiwahab/AFP/Getty Images)

Muqdisho, 29 September 2015: Shir gaar ah oo looga hadlayay arrimaha Soomaaliya islamarkaana ay si wadajir ah u shir guddoominayeen madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon ayaa lagu soo gebagebeeyay magaalada News York ee dalka Mareykanka.

Kulanka waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka socotay waddamada taageera Soomaaliya, iyadoo looga hadlayay horumarrada dowladda Federaalka Soomaaliya ee dhinacyada siyaasadda, dhismaha maamullada, isku dhafka ciidamada, howlgallada ka dhanka ah argagixisada, iyo hiigsiga 2016-ka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madasha ka jeediyay khudbad dheer oo uu kaga hadlay xaaladda dalka ka jirta, horumarrada dowladda, qorshayaasha dowladda ee la xiriira hiigsiga 2016-ka, dib u eegista dastuurka, iyo ahmiyadda ay leedahhay isku dhafka ciidamada si looga maarmo ciidamada nabad ilaalinta.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Bank Ki Moon ayaa sheegay in beesha caalamku ay dhinac taagantahay dowladda federaalka Soomaaliya, wuxuuna soo jeediyay in la dar dargeliya dib u eegista dastuurka iyo guddiyada doorashada ka hor inta an la gaarin 2016-ka.

Dhinaca kale R/wasaaraha dalka Britain David Cameron oo kulan gaar ah la qaatay madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in uu ciidamo u soo dirayo Soomaaliya kuwaasoo dhinaca tababarrada iyo qibradda ka gacan siiya ciidamada nabad ililaalinta AMISOM iyo ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shirkan ka hor magaalada New York uga qeybgalay shirweynaha golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay oo sanadkiiba mar la qabto.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment