4095 Views

Wasiirka Maaliyadda oo Nairobi kula kulmay Bankiga horumarinta Africa

Wasiirka Maaliyadda oo Nairobi kula kulmay Bankiga horumarinta Africa
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 29 September 2015: Wasiirka maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Aden Farkeeti ayaa saaka dib ugu soo laabta magalaada Muqdisho, kadib markii shir looga hadlayey horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka magaalada Nairobi kula soo qaatay Bankiga Horumarint Africa.

Wasiirka ayaa saaka markii uu ka soo dagay garoonka diyaaradaha Aden Cade saxaafada kula hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyey kulankii dhex maray Wasaaradda Maaliyadda iyo Bankiga Horumarint Africa.

“Safar gaaban ayaan ku tagay magaaladda Nairobi, waxaana ka soo qayb galay shir ay wada qaban qaabiyeen Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya iyo Bankiga Horumarinta Africa, waxaan u jedkiisu ahaa sidii loo hormarin lahaa kaabayaasha dhaqaalaha dalka, Dhinaca Jjidadka Isgaarsiinta, Biyaha, iyo korontada, shirkaas ahmiyad gaar ah ayuu u lahaa Soomaaliya.  Waxaana ka warqabnaa in dalku mudo ku tiirsanaa deeqo uga yimaada caalamka, taa badalkeedana waxaan codsanay si dalku u helo dhaqaale in la hormariyo kaabayaasha dhaqaalaha, waxayna ka soo qayb galayaasha shirku muujiyeen iney hada muuqato kalsooni badan oo lagu qabo dowladda Soomaaliya, lana gaaray xiligii wax lagala qaban lahaa horumarinta dalka”  ayuu yiri Wasiirku

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay inuu kulan muhiim ah kula qaatay Wasiirada Maaliyadda ee Maamulada Goboleedyada dalka, waxayna ka wada hadleen qorshe balaaran oo Wasaaradu ay doonayso in laga wada xaajoodo sidii loo midayn lahaa canshuurada dalka, loogana fa’iidaysan lahaa barnaamijka maaraynta maamulka  maaliyadda.

“Shirkaan qabsoomidiisu wasaaradu waxay ku bixisay waqti, wuxuuna xambaarsan yahay ahmiyad gaar ah taas oo horseedi karta  wada shaqayn buuxda oo dhex marta  dowladda dhexe iyo maamuladda goboladda, waxaana ka soo qayb galay Wasiirada Maaliyadda Maamuladda Puntland, Jubaland, South west, iyo Galmudug, shirkaan waa kii ugu horeeyey oo dhaca, wuxuuna isugu jiray isbarasho iyo gogol xaar shir balaaran oo ka dhici doona magaaladda Muqdisho, waxaa kale oo aan ka  wada hadalnay sidii xiriir joogta ah loo yeelan lahaa, laysaga kaashan lahaa nidaamka cusub ee ay wada Wasaaradda Maaliyada oo ku salaysan dib u habaynta maareynta maamulka Maaliyadda, oo runtii u dub dhexaad u ah isla xisaabtaan iyo la dagaalanka musuq maasuqa” ayuu yiri Wasiir Farketi

Kulankaan ayaa wasaaradu uga gol leedahay sidii ay wada shaqayn buuxda u lahaan lahaayeen maamulada gobolada iyo Wasaaradda Maaliyadda si looga fa’iidaysto mashaariicda Bankiga Adduunku ku caawinayo dib u habaynta maamulka maaliyadda dalka.

unnamed-117

unnamed-312

————————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment