5169 Views

Dowladda Qatar oo sheegtay inay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya

Dowladda Qatar oo sheegtay inay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 30 September, 2015: Kaaliyaha arrimaha dibadda ee Dalka Qatar Maxamed bin Abdullah Al Rumaihi ayaa sheegay in dowladda Qatar ay sii xoojineyso taageerada ay u fidineyso dowladda Soomaaliya, kadib markii shirka Wasiirada ay ku yeesheen magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Maxamed bin Abdullah ayaa hoosta ka xariiqay in Soomaaliya ay ka taageerayaan dib u dhiska dalka, dib u soo celinta xasilinta iyo kuwa kale oo aad ugu muhiimsan Soomaaliya, waxaana uu intaa ku daray in kaalmada ay u soo marsiin doonaan Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC, si Soomaaliya looga caawiyo dib u dhiska dalka.

Maxamed bin Abdullah Al Rumaihi kaaliyaha arrimaha dibadda ee Qatar ayaa tilmaamay in bishii May ee sanadkii tegay uu Wasiirka Arrimaha dibadda ee Qatar Dr Khalid bin Mohamed Al Attiyah, booqasho ku tegay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, halkaasi oo uu kula kulmay madaxda dowladda oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii Qatar ay u kordhin lahayd taageerada ay siineyso Soomaaliya.

.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment