4737 Views

Maamulka K/ Galbeed oo tababar u furay ciidan ka qeyb qaata sugidda amniga

Maamulka K/ Galbeed oo tababar u furay ciidan ka qeyb qaata sugidda amniga
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 30 September, 2015: Maamulka Koofurgalbeed ee dalka ayaa sheegay in degmooyin ka tirsan Gobolada Baay iyo Bakool tababaro looga furay ciidamo maamulkaasi uu ugu talagalay sugida amniga deegaannada Koonfurgalbeed.

Wasiirka dhaqan celinta iyo hub ka dhigista maleeshiyaadka ee Koonfurgalbeed Xuseen Maxamed oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in ciidamadan ay ka qeyb qaadan doonaan sidii deegaannada maamulkaasi looga sifeyn lahaa haraadiga maleeshiyada Al-Shabaab.

“Dowladda Konfurgalbeed oo kaashaneysa dowladda Federaalka ah waxa ay tababaro furtay ciidamo maamulka uu ugu talagalay sugidda amniga, ciidankaasi tobanka degmada ee labada gobol ayay tababaro uga socdaan, runtii kalsooni badan ayaan ku qabnaa in ciidankan markii uu tababarka u soo idlaado ay wax badan ku soo kordhiyaan xagga amniga” ayuu yiri Xuseen.

Mudane Xuseen Maxamed ayaa hoosta ka xariiqay in maleeshiyaadka ay qaldeen kooxda Shabaab ay heystaan fursad ah inay isu soo dhiibaan ciidanka xoogga dalka, si dhaqan celin loogu sameeyo xarumo uu maamulka koonfurgalbeed uGu talagalay maleeshiyaadka ka soo goosta Al-Shabaab.

.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment