4872 Views

Calanka Falastiin oo laga taagay xarunta Qaramada Midoobay

Calanka Falastiin oo laga taagay xarunta Qaramada Midoobay
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | October 1, 2015  — Calanka Falastiiniyiinta ayaa markii ugu horreysay laga taagay xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York kadib markii dhowaan cod loo qaaday .

Arrintaasi waxaa soo dhaweeyay dadka Falastiyiniinta ah iyo hoggaamiyeyaashooda oo ku tilmaamay in ay tahay tallaabo horey loo qaaday.

Dad dabaaldagayo ayaa isugu soo baxay qaybo kala geddisan oo ka tirsan dhulka Falastiyiniinta kaddib markii ay maqleen in calankooda laga taagay xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York.

Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa horraantii bishan ogolaaday Falastiiniyiinta in calankooda ay ka taagtaan dhismayaasha Qaramada Midoobay, inkastoo aanay aheyn dal xubin ka ah hay’adaasi.

Madaxweynaha Falastiin Maxmuud Cabbaas ayaa Arbacadii shalay Qaramada Midoobay u sheegay in Falastiin, wixii hadda ka dambeeya, ayna u hogaansameynin heshiiskii Oslo oo hadda labaatan jirsaday, kaas oo lsrael lagula jiray. Qaramada Midoobay ayuu ugu yeeray in dadka reer Falastiin ilaalo caalami ah la siiyo.

Mr. Cabbaas ayaa dawladda Yuhuudda ku eedeeyey inay sii deyso maxaabiista reer Falastiin, iyada oo deegaano cusub ka sameynaysa Daanta Galbeed iyo Bariga magaalada Qudus. Waa digniintii ugu adkeyd ee ku saabsan inuu soo af jarayo wadashaqeynta Israel, hase yeeshee waxba kama uuna sheegin wadashaqeyntii xoogagga amniga ee Falastiin iyo ciidanka Israel ee Daanta Galbeed, kaas oo ay kaga hortagi jireen cadowga ay ka mideysan yihiin ee Xamaas.

Hadalka Cabbaas ayaa keenay falcelin degdeg ah oo ka timid Ra’iisal wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu. Mr. Natenyahu ayaa sheegya in hadalka Cabbaas, sida uu hadalka u dhigay, uu ahaa hadal “khayaamo leh, isla markaana dhiiri galinaya wax kicin iyo burbur Bariga Dhexe ka dhaca.”

calanla-falastiin-at-un-1 calanla-falastiin-at-un-2 calanla-falastiin-at-un-3 calanla-falastiin-at-un-4

____________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment