4737 Views

Shirkad bixisa shidaalka diyaaradaha oo maanta ka shaqo billowday garoonka Aadan Cadde

Shirkad bixisa shidaalka diyaaradaha oo maanta ka shaqo billowday garoonka Aadan Cadde
____________________________________________________________________________

Mogadishu, 2 October 2015: Wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo duulista hawada iyo wasiiru dowlaha wasaaraddaasi ayaa maanta ka qeybgalay munaasabad xarigga looga jarayay shirkad cusub oo shidaalka siineysa diyaaradaha, taasoo ka shaqeyneysa gudaha garoonka Aadan Cadde.

Madaxa shirkadda HASS ee lagu wareejiyay shidaalka diyaaradaha ee garoonka Aadan Cadde C/raxmaan Cali Axmed ayaa sheegay in shirkadani ay ka shaqeyso shidaalka diyaaradaha iyo kan baabuurta, wuxuuna intaasi raaciyay in shirkaddu ay ka howlgasho waddamo badan oo Africa ah.

Wasiiru dowlaha wasaaradda Gaadiidka Maxamed Isaaq Cismaan ayaa soo dhaweeyay shirkada HASS in ay ka howlgasho garoonka diyaaradah Aadan Cadde, isagoo xusay iney tahay markii ugu horreeysay ee shirkad shidaalka siisa diyaaradaha oo ay Soomaali leedahay laga furo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Sidoo kale wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada  Cali Axmed Jaamaca Jengeli oo isna munaasabadda ka hadlay ayaa ku boorriyay ganacsatada Soomaaliyeed iney dalkooda maalgashadaan, isagoo soo dhaweeyay howsha shirkaddu ka bilawday garoonka Aadan Cadde.

.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment