4983 Views

Waxqabadka Dowladda ee Usbuucii la soo dhaafay 03 October 2015

____________________________________________________________________________

Weekly6-620x264

Mogadishu, 03 October 2015 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay.

Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin; Golaha Wasiirada oo ansixiyey sharciga Miinada & Walxaha Qarxa, Warshada Soda King iyo Shirkada Al-Irshaad oo heshiis kala saxiixday, Dowladda Somalia iyo Mareykanka oo kala saxiixday heshiis lagu tayeynayo Booliska Puntland, Wado isku xirta Hobyo iyo Cabudwaq oo la dhagax dhigay, Shiinaha oo qalab xafiis ku wareejiyey Wasaaradda Gaadiidka, Ciidamada Koofur Galbeed oo tababar loo furay, Booliska Soomaaliya oo tayadooda kor loo qaadayo, Howlgallo amniga lagu sugayo oo si hamsi ah u socda iyo Taliska Ciidanka Xoogga oo dib u habeyn lagu sameeyey.

Golaha Wasiirada oo ansixiyey sharciga Miinada & Walxaha Qarxa

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa kulankoodii 1dii Oktoober 2015 oo uu shir guddoominayay Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Mudane Cabdullaahi Jaamac Il-ka-jiir, ayaa looga hadlay qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Ansixinta sharciga wax ka qabadka Miinada iyo Walxaha Qarxa, iyo Ansixinta dhismaha Hay’adda wax ka qabadka Miinda iyo Walxaha Qarxa (SEMA). Golaha Wasiirada ayaa ugu horeyntii si qota dheer uga dooday hindise sharciyeedka wax ka qabadka Miinda iyo Walxaha Qarxa oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Amniga gudaha, waxaana faah faahin dheer ka bixiyay Wasiirka Wasaaradda Amniga Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed, isaga oo xusay in muhiimad gaar ah ay leedahay helista iyo nidaam xaqiijinaya wax ka qabadka Miinada iyo Walxaha Qarxa oo dhibaato ku haya dadka iyo xoolaha ku dhaqan miyi iyo magaaloba, maadaama dalku soo maray dagaalo kala duwan ayna jiraan walxo aan weli qarxin, kuna aasan dhulka hoostiisa, markastana ku qarxa si aan ku talagal aheyn, ayna dhibaateeyaan shacabka iyo hantidiisaba. Golaha Wasiirada ayaa ugu dambeyntii ansixiyay sharciga wax ka qabadka Miinada iyo Walxaha Qarxa, waxayna sidoo kale isla kulankoodan ku ansixiyeen dhismaha hay’adda wax ka qabadka Miinada iyo Walxaha Qarxa (SEMA). Ugu dambeyntiina golaha Wasiirada ayaa meel mariyay xeer nidaamiyaha hay’addaha Caalamiga ah iyo kuwa gudaha ka howlgala ee ka shaqeeya howlaha Miinada iyo Walxaha Qarxa.

Warshada Soda King iyo Shirkada Al-Irshaad oo heshiis kala saxiixday

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay ka soo qayb galeen mas’uuliyiinta Warshada cabitaanada Soda-King iyo shirkadda cabitaanada ee Al-irshaad ee fadhigeedu yahay Puntland ayaa 1dii October 2015 lagu qabtay hoolka shirarka ee warshadda Soda King magaalada Muqdisho, halkaas oo ay heshiis ku kala saxiixdeen. Maamulaha warshada Soda King Ahmed Sh. Yusuf Guled ayaa sheegay in heshiiskani wax weyn u tari doona labada shirkadood iyo guud ahaan horumarka dalka. Maamulaha shirkada Al-irshaad Xirsi Cabdulqadir (Alle Macadaabe) ayaa sheegay in heshiiskan uu dhiiri gelinayo wax soo saarka dalkeena Soomaaliya. Waxuuna sheegay in labadii bilood ee la soo dhaafay ay cabitaanada Soda King iyo Aqua King ku iibinaynayeen magaalooyinka Puntland. Qodobadda heshiiskan ayaa waxaa ka mid ah in shirkada Al-Irshaad ay gayn doonto gobalada Puntland 10,000 kartoon cabitaan ah bil kasta, iyadoo hal sano kadibna warshada Soda King ay Puntland ka furi doonto warshad labaad oo soo saari doonta cabitaanada Soda King iyo Aqua King.

Dowladda Somalia iyo Mareykanka oo kala saxiixday heshiis lagu tayeynayo Booliska Puntland

Dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa 30kii September 2015 xarunta safaarada Soomaaliya ee Nairobi ku kala saxiixday heshiis is-afgarad ah oo lagu horumarinayo ciidanka booliska Soomaaliyeed. Heshiiskan oo muhiimadiisu tahay tababaridda ciidanka booliska iyo la dagaalanka argagixisada ayaa waxa wajigiisa koowaad lagu bilaabayaa maamulka Puntland, iyadoo ay ku kaceysa lacag dhan hal milyan oo doolar. Munaasabadda heshiiskan lagu saxiixayay ayaa waxaa goob joog ka ahaa Raiisul wasaaare ku xigeenka Soomaliya Mudane Maxamed Cumar Carte, Safiirka Soomaaliya ee Kenya Jamaal Maxamed Xasan, safiirka mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Raymond W. Stephens, iyo wasiirka maaliyada ee maamulka Puntland Cabdullahi Sheikh Axmed. Heshiiskan ayaa waxaa ka faa’ideysan doono dhammaan ciidanka booliska ee dowlada dhexe iyo kan maamul goboleedyada dalka ka jira. Dowlada mareykanka ayaa dowlada Soomaaliya ka taageerto dhinacyada ammaanka iyo la dagaalanka aragagixisada.

Wado isku xirta Hobyo iyo Cabudwaq oo la dhagax dhigay

Madaxweynaha GalMudug Mudane Cabdikarin Xuseen Guuleed ayaa 30kii September 2015 dhagaxdhigay mashruuc lagu dhisayo wado dheer oo isku xirta degmooyinka C/waaq iyo Hobyo oo Galgaduud iyo Mudug ka kala tirsan. Dhawr Shirkadood oo maxali ah ayaa hadda ku hawlan dhismaha wadadan oo ka bilaabata afaafka hore ee degmada Cadaado. Cilmi Nuure Wehliye oo madax u ah mid ka mid ah Shirakadaha ayaa sheegay in ay faleen dhawrkii maalmood ee la soo dhaafay ilaa 1km oo Jaay ah, balse ay ku tashanayaan shacabka iyo maamulka Galmudug. Gudoomiyaha degmada Cadaado C/llahi C/raxmaan ayaa faahfaahin ka bixiyay wadadan iyo meelaha la qorsheeyay inay marto, waxaana uu sheegay in wadadan oo ka bilaabata Cadaado ay marayso deegaanada Gidhays, Ardo, Baxdo, Qaydaro, Bajeela, Wizil, Gawaan iyo Hobyo, iyadoo dhinaca Galbeedna u aadi doonta degmada C/waaq. Madaxwaynaha GalMudug mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in ay ka shaqaynayaan hormarinta kaabayaasha dhaqaalaha, waxaana dhismaha wadadan uu ugu yaboohay 50-kun oo Doolar. Bilaabashada dhismaha wadadan oo loo arko inay tahay mid muhiim ah u ah Galmudug ayaa ku soo aaday waqti hawlgalinta Dekada Hobyo dhawaan la filayo.

Shiinaha oo qalab xafiis ku wareejiyey Wasaaradda Gaadiidka

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya Mudane Cali Axmed Jaamac oo uu wehliyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradaasi Mudane Maxamed Xuseen Fanax ayaa 30kii September 2015 qalab xafiiseed u badnaa kombiyuutaro iyo kuwa wax lagu daabaco ka gudoomay Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya. Safiirka Shiinaha u qaabilsan Soomaaliya Weyn Hongton oo Somaalidu ay u taqaano Warsame Geeljire ayaa sheegay in Shiinaha uu diyaar u yahay inuu taageero hay’adaha Dowlada Federaalka Soomaaliya. Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumada Somaaliya Mudane Cali Axmed Jaamac ayaa uga mahadceliyay Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya sida uu u garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna ka dalbaday Safiirka inuu ka caawiyo mashaariic ay Wasaaraddu dooneyso inay ka fuliso gudaha dalka. Shiinaha ayaa ka mid ah dalalka xiriirka soo jireenka ah laleh Soomaaliya waxayna tani qeyb ka tahay taageerada Shiinaha uu lagarab taagan yahay dowladda Soomaaliya.

Ciidamada Koofur Galbeed oo tababar loo furay

Maamulka Koofur-Galbeed ee dalka ayaa 30kii September 2015 degmooyin ka tirsan Gobolada Baay iyo Bakool tababaro looga furay ciidamo maamulkaasi uu ugu talagalay sugida amniga deegaannada Koonfur-Galbeed. Wasiirka dhaqan celinta iyo hub ka dhigista maleeshiyaadka ee Koonfur-Galbeed Xuseen Maxamed ayaa sheegay in ciidamadan ay ka qeyb qaadan doonaan sidii deegaannada maamulkaasi looga sifeyn lahaa haraadiga maleeshiyada Al-Shabaab. Mudane Xuseen Maxamed ayaa hoosta ka xariiqay in maleeshiyaadka ay qaldeen kooxda Shabaab ay heystaan fursad ah inay isu soo dhiibaan ciidanka xoogga dalka, si dhaqan celin loogu sameeyo xarumo uu maamulka koonfur-Galbeed ugu talagalay maleeshiyaadka ka soo goosta Al-Shabaab.

Booliska Soomaaliya oo tayadooda kor loo qaadayo

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa 29kii September 2015 Muqdisho ugu soo gabo gabeeyay saraakiil ka socotay maamul goboleedyada dalka aqoon isweedaarsi ku saabsan doorka booliska ee wada shaqeynta Dowladda Federaalka ah iyo Maamulada Dalka. Aqoon isweedaarsi ku saabsan doorka booliska ee Federaalka iyo wada shaqeynta dhinaca ammaanka oo 27-kii bishan ka furmay Muqdisho ayaa looga hadlay sida lagu xoojin karo wada shaqeynta ka dhexeyso saraakiisha ciidanka booliska kuwa Maamul goboleedyada iyo saraakiisha kale ee dowladda Federaalka ah, iyadoo Taliyaha Booliska Soomaaliya iyo taliyayaasha Maamul goboleedyada Dalka ay isla soo hadal qaadeen hanaanka ugu wanaagsan oo ay u wada shaqeyn karaan Booliska heer maamul ilaa iyo heer Qaran.
Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xassan Xaamud ayaa tilmaamay in aqoon isweydaarsigan uu yahay mid lagu xoojinayo wada shaqeynta ciidanka booliska meelkasta oo ay ka howlgalaan.

Howlgallo amniga lagu sugayo oo si hamsi ah u socda

Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa sheegtay in ciidamada ay ku guulaysteen sugidda ammaanka Caasimadda maalmaha munaasabbada ciidda. Afhayeenka Wasaaradda Amniga Gudaha Mudane Maxamed Yuusuf Cismaan oo 27kii September 2015 kormeer ku tagay goobaha ay ku suganyihiin ciidamada amniga ee magaalada Muqdisho, isla markaana Warbaahinta kula hadlay suuqa Bakaaraha ayaa tilmaaamay in ciidamadu ay ku guuleysteen sugidda nabadgelyada caasimadda inta lagu guda jira maalmaha ciidda, isagoo bagaadiyay sida ay ciidamada amniga oo kaashanaya shacabka ay u xaqiijiyeen amniga. Maxamed Yuusuf Cismaan ayaa digniin u diray qaar ka mid ah milkiilayaasha Hoteellada ku yaalla caasimadda, taas oo la xiriirta in ay soo buuxin waayeen shuruudihii looga baahnaa, isagoo tilmaamay ciddii aanay qaadan awaamiirta Wasaaradda amniga uga degsan dhanka Hoteellada laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan. Wasaaradda Amniga gudaha oo kaashanaysa Ciidamada hay’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka, boliiska iyo ciidanka Xoogga dalka ayaa maalmihii la soo dhaafay Magaalada Muqdisho ka waday qorshayaal lagu dar-dar galinayo Ammaanka loogana hortagayo falalka Dhibaatada ah ee Shabaab ay la damac sanyihiin shacabka Soomaliyeed.

Taliska Ciidanka Xoogga oo dib u habeyn lagu sameeyey

Booliska

26kii September 2015 ayaa Munaasabad oo ay xilka kula wareegayeen Taliyaha iyo Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed lagu qabtay Muqdisho. Munaasabadan ayaa waxaa ka qeyb galay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda, saraakiisha ciidanka, qaar kamid ah danjireyaasha dowladaha caalamka u fadhiya dalka, taliyeyaasha ciidamada booliska iyo Nabad sugidda Qaranka iyo Marti sharaf kale ayaa lagu qabtay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga. Abaanduulihii hore ee ciidanka Xoogga Dalka Sareeyo guuto Cabdirisaaq Khaliif Cilmi ayaa xusay inay wax ka qabteen dib u habeynta ciidanka oo ay guddi u saareen tirikoobka ciidanka iyo sixidda darajada saraakiisha ciidanka xoogga dalka. Taliyihii hore ee ciidanka xoogga dalka Sareeyo Gaas Daahir Aadan Cilmi “Indho-qarshe” oo isna munaasabadda ka hadlay ayaa tilmaamay inay ku guuleysteen gacan ku heynta deeganno badan oo ay horey bulshada ugu dhibaateyn jireen kooxda UGUS, isagoo guulaha ciidanka ay gaareen ay bogaadiyeen. Taliyaha cusub ee ciidanka xoogga dalka Sareeyo Gaas Maxamed Aadan Axmed iyo Abaanduulaha ciidanka Sareeyo Guuto Cali Baashi Maxamed ayaa balan qaaday in howsha loo idmaday ay halkeeda ka sii wadi doonaan, iyagoo codsaday in lala shaqeeyo oo gacan lagu siiyo waajibaadka loo idmaday. Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa kula dar daarmay hogaanka cusub ee ciidanka xooga dalka inay si hagaagsan u gutaan waajibaadka loo idmaday.

DHAMAAD

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment