4386 Views

Dilalka ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Koonfur Afrika oo dib u soo cusboonaatay

____________________________________________________________________________

South-Africa-429x264

Muqdisho, 04 October 2015 – Waxaa dalka koonfur Africa dib ugu soo laabtay dilalka loo gayensanaayo ganacsatada Soomaalida, iyadoo habeen ka hor ganacsade Soomaaliya ah lugu dilay dalka Koonfur Afrika.

Wararka laga helayo dalka Koofur Afrika ayaa sheegaya inay dib usoo cusboonaadeen dilalka dalkaasi loogu geysto ganacsatada Soomaalida ah, iyadoo xaaladdu ay deganeyd tan iyo markii Madaxda dalkaasi ay ku baaqeen in la joojiyo dilalka ka dhanka ah ajaanibta.

Cabdisalaan Khlaiif Diiriye oo ka mid ah Ganacsatada Soomaalida ee dalkaasi ku sugan ayaa sheegay in afar muwaadin oo Soomaali ah lagu dilay Koofur Afrika toddobaayadii u dambeeyay, isagoo xusay inay isa soo tareyso beegsiga lagu hayo ganacsatada Soomaaliyeed.

Ganacsade Cabdisalaam Khaliif Diiriye ayaa sheegay in dibadbaxyadii ka dhacay Durban ee looga soo horjeeday dilalka iyo boobka ay wax badan ka badaleen ammaanka hase ahaatee waxa uu sheegay in hadda ay arrinta u muuqato mid dib usoo laabaneysa oo ganacsatadu ay soo wajahday cabsi xoogan.

Habeen ka hor ayey ahayd markii Kooxo burcad oo u dhashay Koofur Afrika ay ganacsade Soomaali ah ku dileen Dalkaasi, Soomaalida ayaa sanadihii u dambeeyay horumar dhinaca ganacsiga ah ka sameysay South Africa.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment