4197 Views

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka oo socdaal ku tegi-doono Jariiban iyo meela kale

____________________________________________________________________________

cawad-620x264

Muqdisho, 04 October 2015 – Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Baarlaamanka Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Mahad Cabdalla Cawad iyo wafdi uu hogaaminayo, ayaa maanta booqanaya deegaanno ka tirsan gobolka Mudug, si uu ugu kuurgalo xaaladda ay ku noolyihiin dadka deegaannada uu socdaalka ku tegayo.

Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo socdaal ku jooga gobolka Mudug ayaa kormeerkiisa waxaa ku wehliya xubno ka tirsan Baarlaamanka Federaalka ah ee Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale oo maamulka Puntland ka tirsan, kuwaasi oo socdaal ku tegi doono degmooyinka Jariiban, Garacad iyo deegaanno kale oo u dhaw dhanka xeebta.

Guddoomiyaha Ku-xigeenka labaad ee Baarlaamanka Federaalka ah ee Soomaaliya  iyo wafdiga la socday ayaa waxa ay kulamo gaar gaar ah la qaadan doonaan maamulada deegaannada ay socdaalka ku tegayaan, si ay u xog wareystaan xaalada ay ku suganyihiin.

Deegaannada ay socdaalka ku tegayaan Wafdiga Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka ayaa bilhii la soo dhaafay waxaa ka jirtay xaalado biyo la’aan ah.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment