5556 Views

Wasiiru-dowlaha Warfaafinta oo ka hadlay xariga Cawil Dahir Salaad iyo Kulmiye

____________________________________________________________________________

IMG_53581

Muqdisho, 04 October 2015 – Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya Maxamuud Cabdi Xasan Bekos oo shir jaraa’id ku  qabtay xarunta Wasaaradda ayaa ka warbixiyay waxqabadka Xukuumadda, horumarka ka  jira  guud ahaan dalka iyo xariga loo geystay suxufiyiin ka tirsan telefishinka Universal.

Wasiiru-dowlaha Warfaafinta ayaa sheegay in xariga wariyeyaasha ay ka warqabaan, isla markaana sharciga lala tiigsan doono

“Arrimaha xariga waxbaan ka ognahay, cidkasta oo dambi gasha lama cafinayo, dhowr jeer oo hore digniin ayaa la siiyay oo ciidanka amiga u digeen, wayna ka dhaga adeegeen, dhago adeeega waxa uu u keenay inay waxa ay iyagu rabaan unbay sii daayeen, marka dood wadaag la qabanayo hal dhinac oo kaliya lagama eego oo waa in la helo sharci, sharciga saxaafadda idinka ayaaba iga garanaya, marka sharciga ayaa lala tiigsanayaa” ayuu yiri Wasiiru-dowlaha Warfaafinta.

Wasiiru dowlaha ayaa xusay in Xukuumadda Soomaaliya ay ku tilaabsatay horumaro dhinacyada amniga iyo arrimaha bulshada ah, waxaana uu intaa ku daray. “Waxqabadka Xukuumadda waxaa ka mid ah arrimaha amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo tan bulshada, sidoo kale horumarka xagga amni ee ay ku talaabsadeen ciidanka dowladda oo kaashanaya kuwa AMISOM”ayuu yiri Bekos

Ku-simaha Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayay ciidamada AMISOM ee jooga dalka ayaa sheegay in dalka aan laga xakumin Xalane, isla markaana aysan dowladda ku jirin wax gumeysi ah, isagoo intaa ku daray in ciidanka AMISOM ay ku joogaan dalak qorshe cad oo ah sidii ciidanka dowlada ay uga caawin lahaayeen la dagaallanka argagixisada.

Wasiiru-dowlaha waxa uu xusay in ciidanka dowladda ay horumar badan ka sameeyeen howlgalladii ay kula wareegayeen deegaanno badan oo ay Shabaabku dadka ku dhibaateyn jireen, waxaana uu intaa raaciyay in Xukuumadda ay xoogga saari doonto sare u qaadida tayada ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya.

Mudane Maxamuud Cabdi Xasan Bekos ayaa ugu horeyn tacsi u diray ehelada wiil yar oo ay dileen AMISOM, isagoo sheegay in dowladda ay la xiriirtay eh

elada wiilka la dilay, ayna baaritanno dheeraad ah sameyn doonaan.

IMG_5386IMG_5396

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment