4059 Views

Dadkii ka Barakacay Qansaxdheere oo dib u soo laabanaya

Dadkii ka Barakacay Qansaxdheere oo dib u soo laabanaya
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 05 October 2015 – Maamulka Degmada Qansaxdheere ayaa sheegay in ay dib ugu soo laabanayaan Degmada Dadkii kabarakacay xilli ay soo hagaageeyso Xaaladda Amni ee Dagmadaas.

Guddoomiyaha Dagmada Qansaxdheere Isaaq Cabdi Maxamed ayaa sheegay in Dadka dagmada ku soo laabanaya ay isku diyaarinayaan Tacbashada Beerahooda Madaama Dhawaan la filayo deegannadaas in ay ka Curtaan Roobkii Dayrta.

Dhanka kale Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in Dagmada Qansaxdheere ee Gobolka Baay ay Aad ugu Yaryihiin Adeegyada Bulshada Aas Aasiga u ah sida Caafimaadka , Ganacsiga,  waxbarashada iyo Adeegyo kale.

“Caafimaad wax layiraah majiraan wax kaloo Horumar ahna majiraan Ganacsi Shaqaynaayana ma jiro” Ayuu yiri guddoomiye Isaaq Cabdi.

Dagmada Qansaxdheere ee Gobolka Baay oo ka mid ahayd meelihii dhawaan Laga saaray kooxda Argagixisada ah ee Alshabaab ayaa laga dareemayaa saan Saan muujinaysa in dadkii halkaasi ka barakacay ay dib ugu soo laabanayaan.

Dadkaas oo isugu jira kuwo ka Cararay Dagaalkii kooxda shabaab looga saaray halkaas iyo kuwo kale oo ka Cararay Abaaro dagmadaas ka jiray.

 

 

.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment