5151 Views

Madaxweynaha oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjiraha cusub ee Boqortooyada Denmark

Madaxweynaha oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjiraha cusub ee Boqortooyada Denmark
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 5 October, 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho warqadihii aqoonsiga kaga guddoomay Danjiraha cusub ee Boqortooyada Denmark uga wakiilka ah Soomaaliya Ms. Mette Knudsen.

Madaxweynaha ayaa danjiraha uga waramey horumarka ay Soomaaliya ku tillaabsatey dhinacyada amniga, siyaasadda iyo barnaamijyada Hiigsiga 2016, iyo doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan sannadka soo socda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale Boqortooyada Denmark uga mahadceliyey doorka ay ka qaadaneyso horumarinta iyo dib u dhiska Soomaaliya.

Danjire Knudsen oo iyana halkaasi hadal ka jeedisay ayaa sheegtay in Denmark ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, iyadoo dhanka kalena soo dhoweysey horumarka dhinacyada kala duwan ee ay sameysey Dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane Cabdisalaam Hadliye Cumar iyo La Taliyaha Madaxweynaha Dr Aweys Xaaji.

denmark-ambasador-somalia-5denmark-ambasador-somalia-4 denmark-ambasador-somalia-3 denmark-ambasador-somalia-2 denmark-ambasador-somalia-1

.

.

____________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment