4473 Views

Warsaxaafadeed : Wariyaasha Telefiishinka Universal hala sii daayo

Warsaxaafadeed : Wariyaasha Telefiishinka Universal hala sii daayo
____________________________________________________________________________

Ref: 10/GXS/2015 Tr. 04 /10 / 2015

Ujeeddo: War-Saxaafadeed

Shir ay isugu yimaadeen Golaha Xisbiyada Soomaaliyeed oo ay uga hadlayeen xaaladaha taagan ee uu wadanku marayo, falaqeyn dheer kadid, waxay soo saareen war-saxaafadeedkan.

1) Waxaan si adag u cambaareynaynaa xargiga loo geystay Cabdullaahi Xirsi Kulmiye Agaasimaha Bariga Africa ee TV-ga Caalamiga ah ee Universal iyo Wariye Cawil Daahir Salaad, isla markaasna ah soo saaraha Barnaamijka dood-wadaag, xarigaasoo xad-gudub ku ah Qawaaniinta iyo Dastuurka Dalka u yaala, isla markaasna caqabad ku noqoneysa geedi-socodka Dimuqraadiyada iyo Madax-banaanida hadalka iyo aragtida, kuna celinaysa wadanka kali-taliye-nimo.

Haddaba, Golaha Xisbiyada Soomaaliyeed waxay ku baaqayaan in si deg-deg ah loo sii daayo shuruud la’aan lana fasaxo Xafiiska TV-ga Universal iyo addeegyadii uu Bulshada u hayay.

2) Golaha Xisbiyada Soomaaliyeed waxay ka soo horjeedaan mar kasta in la daadiyo dhiigga Dadka Soomaaliyeed.

Sidaasi darteed, waxaan cambaareynaynaa Dilkii AMISOM u geysatay Wiilkii yaraa ee Soomaaliyeed oo ka dhacay Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium iyo Dilalkii ka horeeyay oo ka dhacay meelo badan oo ka mid ah Dalka sida: – Marka, iyo Halgan.

3) Golaha Xisbiyada Soomaaliyeed waxay soo dhoweynayaan Guddigii Heerka Qaranka ee Wasaaradda Amnigu u saartay baaritaanka dhacdadii u dambeysay, waxaana codsanaynaa in mar kasta Dowladda ay u dhaxeyso Dadka Soomaaliyeed iyo Ciidamada Shisheeye ee Dalka ku sugan.

4) Waxaan halkaan Amaan iyo Bogaadinba u soo jedinaynaa Xisbiga DALJIR oo ka tirsan Golaha Xisbiyada Soomaaliyeed oo door-weyn ka qaatay garab istaaga Qoyska dhibanayaasha ee Wiilkooda AMISOM ku dileen si gar-darro ah.

5) Waxaan Dowladda Dhexe ugu baaqeynaa in ay ka qaadaan culeyska weyn ee ay ku hayaan Gaadiidka Dadweynaha, gaar ahaan Mooto Bajaaj-yada iyo in ay fur-furaan wadooyinka xir-xiran oo caqabada ku ah isku-socodka Magaalada Muqdishol, dib-u-dhacna ku ah Ganacsiga iyo Kobaca Dhaqaalaha.

.

Dhammaad.

Golaha Xisbiyada Soomaaliyeed

_____________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment