4542 Views

Wasiirka Caafimaadka oo shir uga qayb galaysa Kuwait

Wasiirka Caafimaadka oo shir uga qayb galaysa Kuwait
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 05 October 2015 – Wafdi ay Hoggaaminayso Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xaawo Xasan Maxamed ayaa maanta gaaray Dalka Kuwait halkaas  oo ay uga qaybgali doonaan shirka kala fadhiga 62aad  ee Ururka Caafimaadka Adduunka Qaybta Bariga Dhexe oo ka furmaya dalkaas.

Wafdiga Wasiirka Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya Waxaa ka mid ah La Taliyaha Wasaaradda Caafimaadka  Dr Cabdi Cawad  iyo  Maamulaha Xarunta Khaliinka Indhaha ee Muqdisho Dr Cabdisamad Xasan Maxamed.

Wafdiga Wasiirka Caafimaadka Xawo Xasan Maxamed Markii ay tageen Dalka Kuwait waxaa garoonka ku soo dhaweeyay Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalkaas Danjire Cabduqaadir Amiin Sheekh, la Taliyaha Safaaradda Abiib Muuse Faarax   iyo u qaybsanaha  Waxbarashada iyo dhaqanka ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kuwait  Dr Cabdiladiif Xuseen Maxamed.

Shirka oo maanta dalka Kuwait ka furmaya ayaa socon doona muddo Sideed Maalmood ah, waxaana ka qayb galaya Wasiirrada Caafimaadka Dalalka Carabta.

unnamed-121

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment