4104 Views

Maareeye: “Waxaa jirta cinwaanno been abuur ah oo magacyada madaxda lagaga been sheego…

____________________________________________________________________________

Muqdisho | 05.10.2015 | Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” ayaa shaaciyay in uu jiro cinwaan barta bulshada wadaagto loo adeegsado, isla markaana ah mid been abuur ah oo la doonayo in lagu waxyeeleeyo magaca Wasiirka iyo tan Wasaaradda, isla markaana lagu soo daabaco warar been abuur ah oo ka dhan Wasiirka.

Wasiir Maareeye ayaa tilmaamay in dowladda ay tallaabo cad ka qaadi doonto shaqsiyaadka caadeystay inay barta baraha bulshada u adeegsadaan magacyada Madaxda Dowladda, kuwaasi oo ka been abuuraya hay’adda ama mas’uulka hay’adda kala duwan ee dowladda madaxda ka ah.

“Dowladdu uma dulqaadan doonto, in bulshada lagu marin habaabiyo cinwaanno aan sax ahayn, isla markaana magacyada Madaxda loo adeegsado siyaabo qaldan, ciddii lagu qabtana laga qaadi doono tallaabo sharciga waa faqsan” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.

Wasiirka waxa uu xusay in cinwaanka saxda ah ee uu isticmaalo uu yahay midka hoose ku qoran, isagoo been abuur ku tilmaamay cinwaanka kale ee lagu daabaco wararka la doonayo in lagu qal qal geliyo howlaha Wasaaraddu u hayso bulshada, kaasi oo la doonayo in lagu dhaawaco sharafka Wasiirka iyo Wasaaradda.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” ayaa shaaciyay in uu jiro cinwaan barta bulshada wadaagto loo adeegsado, isla markaana ah mid been abuur ah oo la doonayo in lagu waxyeeleeyo magaca Wasiirka iyo tan Wasaaradda, isla markaana lagu soo daabaco warar been abuur ah oo ka dhan Wasiirka.

Wasiir Maareeye ayaa tilmaamay in dowladda ay tallaabo cad ka qaadi doonto shaqsiyaadka caadeystay inay barta baraha bulshada u adeegsadaan magacyada Madaxda Dowladda, kuwaasi oo ka been abuuraya hay’adda ama mas’uulka hay’adda kala duwan ee dowladda madaxda ka ah.

“Dowladdu uma dulqaadan doonto, in bulshada lagu marin habaabiyo cinwaanno aan sax ahayn, isla markaana magacyada Madaxda loo adeegsado siyaabo qaldan, ciddii lagu qabtana laga qaadi doono tallaabo sharciga waa faqsan” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.

Wasiirka waxa uu xusay in cinwaanka saxda ah ee uu isticmaalo uu yahay midka hoose ku qoran, isagoo been abuur ku tilmaamay cinwaanka kale ee lagu daabaco wararka la doonayo in lagu qal qal geliyo howlaha Wasaaraddu u hayso bulshada, kaasi oo la doonayo in lagu dhaawaco sharafka Wasiirka iyo Wasaaradda.

.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment