7626 Views

Abaar kulul oo ka jirta Galmudug

Abaar kulul oo ka jirta Galmudug
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 06 October 2015 –Wasiirka gargaarka iyo daryeelka naafada ee maamulka Galmudug Shire Xirsi Maxamuud ayaa sheegay in gobollada Mudug iyo Galguduud ay ka jiraan xaalado abaareed kaddib markii ay soo daaheen roobabkii dayrtu.

Guddi gaar ah oo ay golaha wasiirrada Galmudug u saareen qiimeynta xaaladaha bani’aadamnimo ee gobolka ayaa ku warbixiyay dadka ay u baahan yihiin gargaar, ayadoo ay xaaladdu ka sii dari karto haddii aan la helin roobabka dayrta.

“Dadku waxay u baahan gargaar degdeg, maxaa yeelay waxaa jirta abaar saameysay xoolaha iyo beerahaba, gobollada qaar ma helin roobabkii oo waa ay soo daaheen” ayuu yiri Wasiirka gargaarka Galmudug.

Deegaannada ay abaaruhu ka jiraan oo u badan dhulka Miyiga ah, waxaa ka jira biyo la’aan, meelaha qaar fuustada biyaha ah waxay gaartay toban dollar($10).

.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment