3852 Views

Maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe oo mar dhaw la dhisayo

Maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe oo mar dhaw la dhisayo
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 06 October 2015 –Wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka ayaa sheegtay in dhawaan la billaabi doono dhisidda maamulka Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, oo ka mid noqon doono dowlad-goboleedyada dalka.

Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha iyo Federaalka Cali Abtidoon Xalane ayaa sheegay in guddigii farsamada ee ka shaqeyn lahaa dhismaha maamulkaan la dhamaystiri doono dhawaan, kaddibna howsha la billaabi doono.

“Howsha (maamul-dhisidda) waxaa qaban doona guddi farsamo oo madax bannaan oo ka imaanaya labada dadka labada gobol deggan, hadda waxaa la isku raacay tirada guddigan, waxa xiga waa in la magacaabo dadka guddigan ka mid noqonaya” ayuu yiri Agaasimuhu.

Sidoo kale agaasimaha ayaa sheegay in wasaaraddu ay maamulkaas marka uu dhammaado ay ka shaqeyn doonto gobolka Banaadir oo u baahan in loo sameeyo sharciyo lagu caddeynayo maqaamkiisa, ayadoo ay arrintaas kaalin weyn ku leeyihiin golaha shacbigu.

 

 

.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment