4977 Views

Madaxweynaha oo dhagax dhigay dib u dayactirka xaruntii Wasaaradda shaqada

Madaxweynaha oo dhagax dhigay dib u dayactirka xaruntii Wasaaradda shaqada
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 06 October 2015 – Madaxweynaha dowladda Fedaralka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dhagax dhigay xaruntii Wasaaradda shaqada iyo arimaha bulshada ee Soomaaliya, kaasi oo lagu sameynayo dib u dhis, iyadoo munaasabadii dhagax dhiga ay ka qeyb galeen Wasiirada Shaqada iyo howlaha guud, maamulka degmada Shangaani iyo xubno kale.

Guddoomiyaha Degmadda Shangaani Axmed Xasan Yalaxow ayaa sheegay in dib u dhiska Hay’adaha Dawladda ay qayb ka tahay dib u soo celinta bilicda magaalada iyo horumarka dalka.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo dib u dhiska Eng Saalax Sheekh Cusmaan oo ka hadlay goobta ayaa tilmaamay inay tallaabo ku aadan hufnaanta iyo Muumul wanaaga ay Xukuumadu ku talaabsatay.

Wasiirka Wasaradda Shaqada iyo Arrimha bulshada Cabdiweli Ibraahim Sheekh Muudeey ayaa sheegay in dib u dayactirka xarunta Wasaaradda Shaqada ay qayb ka tahay soo celinta halkii laga maamulaayey shaqaalaha Soomaaliyeed.

Ugu danbeyntii Madaxweynha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaalia Mudane Xasan Sheekh Maxaamud oo dhagax dhigay dib u dayactirka xarunta Wasaaradda shaqada ayaa ugu baaqay Hay’adaha kale ee Dawladda inay ku daysadaan mas’uuliyinta Wasaaradda Shaqada iyo Arimha Bulshada oo hay’ad waliba ay dib u dayactirato xarunteeda, kana qayb qaadato mashruuca dhiso Dalkaada oo kaalin weyn ka qaadan kara dib u dhiska xarumaha dowladda.

Xarunta Wasaaradda Shaqada oo ku taala degmada Shangaani ayaa saameyn ku yeeshay bur burkii dalka, iyadoo muddo badan ay deganaayeen dad shacab ah, kuwaasi oo dhawaan laga raray markii dowladdu ay u baahatay in loogu adeego bulshada.

vlcsnap-2015-10-06-15h20m15s113IB0A0026IB0A0170

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment