3858 Views

R.W. K/xigeenka Xukuumada oo qaabilay wafdi ka socday dowladda Switzerland

R.W. K/xigeenka Xukuumada oo qaabilay wafdi ka socday dowladda Switzerland
____________________________________________________________________________

Muqdisho, October 6, 2015 – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carteh oo ay wehliyaan xubno ka tirsan golaha Wasiirada ayaa maanta qaabilay wafdi ka socday dowladda Switzerland, waxaana wafdigan hogaaminayay Dominik Langenbacher oo ah Danjiraha dowladda Switzerland ahna wakiilka gaarka ah u qaabilsan arrimaha Soomaaliya.

Wafdigan ayaa waxaa sidoo kale, ka mid ahaa Prof. Iur. Kurt Nuspliger oo ah khabiir dhanka arrimaha Federaalka, waxaana kulanka labada dhinac diirada lagu saaray habka Federaal ee ugu haboon ee Soomaaliya lagu dhaqi karo, maadaama ay jiraan habab kala duwan oo dowladdaha caalamka ee qaatay Federaalka ay ku dhaqmaan.

Labada dhinac ayaa si qota dheer isula eegay noocyada kala duwan ee Federaalka, waxaana tusaale ahaan ay u soo qaateen 5-ta tiir ee habka Federaalka udub dhexaadka u ah.

Danjiraha dowladda Switzerland ee Soomaaliya Dominik Langenbacher oo goobta ka hadlay ayaa xusay in Soomaaliya ay leedahay dowlad rasmi ah oo la aqoonsan yahay, ayna haatan doonayaan inay ka taageeraan sidii ay u heli laheyd Nidaam Federaal oo ku haboon, maadaama caalamku ku dhaqmo noocyo kala duwan oo Federaal ah “Waxaan arrintan u xilsaarnay khubaro ku xeel dheer arrimaha Federaalka, waxaana rajeyneynaa in la helo habka ugu haboon ee Federaal ee Soomaaliya ay ku dhaqmi karto” ayuu yiri Danjiraha Switzerland isaga oo intaasina raaciyay in dhanka dhaqaalaha ay gacan ka geysanayaan fulinta qorshahan.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumada Mudane Maxamed Cumar Carteh oo iska kulankan ka hadlay ayaa uga mahadceliyay wafdiga iyo xubnaha khubarada ah ee la socda isku daygooda sidii loo heli lahaa Nidaam Federaal ah oo ku haboon dalka Somaaliya, wuxuuna xusay in Xukuumada Soomaaliyeed oo kaashaneysa hay’addaha ay khuseyso arrinkan ay ku dadaaleyso sidii looga talo gelin lahaa, si ugu dambeynta loo helo habka ugu haboon ee Federaal ee dalka Soomaaliya lagu dhaqo.

rw-kuxigeen-swiss-1 rw-kuxigeen-swiss-2 rw-kuxigeen-swiss-3

.

__________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment