3852 Views

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo sheegay in dib loo dhigay shirkii wada tashiga

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo sheegay in dib loo dhigay shirkii wada tashiga
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 07 October 2015 – Cumar Aadan Qaadi  oo ah la taliyaha guddoomiyaha  Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta la hadlay warbaahinta qaranka ayaa waxaa uu sheegay in wada hadalkii u dhaxeeyay labada dhinac oo ku maandhaafsanaa mooshinka laga keenay madaxweynaha dalka dib loo dhigay isla markaana shirkaasi oo furmi doono 10 bishan aynu ku jirno.

La taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in sababta dib u loogu dhigay ayaa ku micineeyay in Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya oo hadda safar shaqo uu dalka dibadiisa ugu maqan yahay sidaa darteedna uu shirkaasi ka qeybgalkiisa aad ugu muhiimssan yahay.

“Ra’iisulwasaaruhu waxaa uu codsaday in lala sugo, maadaama lagu balansanaa wadahadalka in ay joogaan madaxweynaha, Ra’iisulwasaaraha iyo guddoomiyaha Baarlamaanka xubnaha Baarlamaanka” ayuu yiri Qaadi.

Cumar Aadan Qaadi ayaa sidoo kale xusay in guddoomiyaha Baarlamaanka uu xeer ilaalinta qaranka uu kala hadlay sideynta wariyeyaasha ka tirsan TVga Universal, isla markaana xeer ilaaliyuhu arintaasi ogolaaday.

La taliyaha oo war-saxaafadeed uu soo saaray afhayeenka Baarlamaanka u akhriyay saxaafada ayaa waxaa kamid ahaa in xafiiska guddoomiyaha Baarlamaanka uu arinta kala xiriirey xeer ilaaliyaha guud ee qaranka isla markaana uu ka ogolaaday in la siideynt doono, iyadoo xubnaha Baarlamaanka ee arintan ku lug lahaa loo gudbiyay xeer hoosaadka iyo anshaxa iyo gudi hoosaadka ilaalinta sumcadda iyo hufnaanta howlaha Baarlamaanka.

War saxaafadeed ayaa sidoo kale guddoomiye Jawaari waxaa uu ka codsaday dhammaan bahda saxaafadda gaar ahaan maamulka sare ee Tvga Universal in ay ilaaliyaan nidaamka dalka iyo deganaanshihiisa isla markaana ka fogaadaan wax kasta oo dalka ku keeni kara dhibaato.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa sidoo kale war saxaafadeedka ku sheegay in xildhibaanada golaha shacabka looga ilaaliyaan nidaamka dalka isla markaana aysan dadka kale wax uga duwaneyn aan ka aheyn xasaanadda uu dastuurka qaranku siiyay taas sida uu qodobka  70 aad ee dastuurka qaranka uu xadeeyay.

Ugu dambeynti guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa tilmaamay in muwaadin kasta oo Soomaaliyeed uu waajib ka saaran yahay ilaalinta dowladnimada Soomaaliya sidaa darteedna loo baahanyahay in xaqiijinta arintaasi loo wada istaago.

.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment