3915 Views

R/ W ku-xigeenka oo sheegay inay bilaabaneyso wada hadalada Dowladda Federaalka ah iyo maamulka Somaliland

____________________________________________________________________________

DSC06601-620x264

Muqdisho, 07 October 2015- Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay inay dhawaan dib u bilaabmayaan wadahadaladii u dhexeeyay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Maamulka Somaaliland.

Ra’iisulwasaare ku-xigaenka dalka Mudane Maxamed Cumar Carte Qaalib oo wareysi siiyey Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in wada hadaladaan lagu doonayo sidii markale midnimada Soomaaliya la isugu keeni lahaa, isla markaana walaalaha Maamulka Somaliland loogu qancin lahaa inay ka gudbaan gooni isutaaga

Qodobada la rabo in lagu heshiiyo ayuu ku sheegay Raisulwasaare ku-xigaynka in ay mid yihiin ka wada qaybsiga mamulka maaliyada, wada shaqaynta maxkamadaha, fulinta sharuuc dalka loo dajiyey inuu ku dhaqmo iyo arrimo kale oo dani ugu jirto Ummadda Soomaaliyeed.

“Run ahaantii wada hadalada dib ayay u bilaabmi doonaan, markii 60-ka la isku darsamay, waxa ay ahayd mid ku bilowday qaab wanaagsan, marka runtii waxa ay u baahantahay in wada hadalka uu noqdo mid markale la isu keeno Soomaali weyn, oo aysan noqon mid lagu kala tega” ayuu yiri Ra’iisul wasaare ku-xigeen.

Dowlada fedaraalka Soomaaliya ayaa ku dadaalaysa in ay ku guulaysato ka mira dhalinta wada hadaladaan kala dhexeya Maamulka Somaliland, waxana xusid mudan in dhow jeer ay is hor fariisteen mas’uuliyiinta dowladda Federaalka ah iyo kuwa Maamulka Somaliland, kuwaaasi oo qodobo dhowr ah ku heshiiyey

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment