4881 Views

Taliyaha ciidanka XDS oo kormeeyay hoggaannada ciidanka

Taliyaha ciidanka XDS oo kormeeyay hoggaannada ciidanka
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 07 October 2015- S/G Maxamed Aaden Axmed taliyaha ciidanka XDS ayaa maanta kormeer howlleed oo ugu kuur-geliyo xaaladda Ciidanka Xoogga dalka ku sameeyey hoggaamada kala duwan ee Ciidamadda iyo xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, isagoo warbixin ka dhageystay saraakiishii ku sugnayd goobihii uu booqday, wuxuna dhinaca kale kulan la qaatay Saraakiil ka socota dawladda aanu walaalaha nahay ee Turkiga kuwaas oo gacan siiya taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya.

Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed  ayaa si weeyn ugu  kuurgalayay xaaladda dhabta ah ee ay Ciidamaddu ku shaqeeyaan, waxaana uu  taliyihu booqdey Dhismooyin ay Ciidamada leeyihiin oo ku burburay dagaalladii wadanka ka dhacay.

“Waxaan idin ku ammaanayaa sida aad naftiina ugu hurteen bad baadinta difaaca iyo badbaadinta dalka, waxaana tihiin geesiyaal qaran, ummadda Soomaaliyeedna waa in ay taas ogaataa gacanna nagu siiyaan sidii aan dalkeena cadowga kusoo duulay uga sifeyn lahayn, waxaan u jeedaa bur-bur iyo baahi kala duwan oo la rabo in si deg deg ah wax looga qabto, waana midda aan hadda dadaalka ugu jirno sidii aan wax un uga qaban lahayn” ayuu yiri Taliyaha oo la hadlayay Saraakiishii uu kula kulmay hoggaamada.

Dhinaca kale, Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed S/G Maxamed Aaden Axmed ayaa xafiiskiisa ku qaabilay saraakiil ka socotay dawladda aan walaalaha nahay ee Turkiga, wuxuna Taliyuhu boggaadiyey gacanta walaaltinimo ee mar walba ay dawladda iyo shacabka Turkigu la garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed, wuxuna si gaar ah uga mahadceliyey gacan siinta Ciidanka X.D.S, isagoona xusay in taliska guud ee ciidanka xoogga dalku uu diyaar u yahay sidii uu wada shaqayn dhaw ula yeelan lahaa saraakiisha maadaama ay kamid yihiin dalalka taageera ciidanka Xoogga dalka

talie-ciidan-1talie-ciidan-5talie-ciidan-7talie-ciidan-8

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment