4011 Views

Wiil M/ weynaha uu adeer u yahay oo gor dhow la dilaty

____________________________________________________________________________

Muqdisho, 07 October 2015- Warar goor dhow na soo gaaray degmada Wadajir, ayaa sheegaya in dabley hubeysan ay saaka ku dileen Dr. Libaan Cusmaan Cilmi, oo ahaa wiil uu uu adeer u yahay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Dableyda hubeysan oo gaari ku socday ayaa rasaas ku furay gaari uu la socday Dr. Liibaan Cusmaan Cilmi oo aabihii oo dhowaan ku geeriyooday magaalada Nairobi ay isku hooyo ahaayeen madaxweyne Xasan Sheekh.

Dr. Liibaan ayaa la sheegay inuu ka howl galayay Isbitaal ay leeyihiin Imaaraadka Carabta oo ku yaalla magaalada Muqdisho.

Ma jirto illaa iyo hada cid sheegatay dilkan, mana jirto wax war ah oo ka soo baxay Hey’adaha ammaanka dowladda.

Wixii war ah dib ayan u soo sheegi doonaa.

 

 

.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment