4026 Views

Ganacsade Cabdi Cali Faarax oo shahaado sharaf la gudoonsiiyay

Ganacsade Cabdi Cali Faarax oo shahaado sharaf la gudoonsiiyay
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 08 October 2015 – Munaasabadaan lagu soo dhaweynayay, isla markaana shahaado sharaf lagu gudddoonsiinayay ganacsade Cabdi Cali Faarax oo ahaa ganacsadihii Markabka ugu deeqay in kumanaan Qaxooti Soomaali iyo Yameniin ah oo ku xanibnaa dalka Yeman laga soo qaado, ayna soo qaban qaabiyeen Guddiga samata bixinta qaxootiga Soomaaliyeed ayaa waxaa ka qeyb galay Ugaasyo, culimaa’udiin, ganacsato, ururada bulshada rayidka, haween iyo marti sharaf kale, kaasi oo lagu qabtay Muqdisho.

Munaasabadda ayaa waxaa ka hadlay qeybaha kala duwan ee bulshada kuwaasi oo mahadcelin balaaran u jeediyay ganacsade Cabdi Cali Faarax sida uu ugu gurmaday muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Yemen ku xanibnaa, waxaana ay intaa ku dareen in bulshada Soomaaliyeed aysan iloobi doonin abaalka uu u galay.

Ganacsade Cabdi Cali Faarax oo hadal kooban jeediyay ayaa uga mahadceliyay Guddiga samata bixinta qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen sida ay ugu garteen inay shahaado sharaf guddoonsiiyaan, waxaana uu intaa ku daray in markasta ay ka go’antahay caawinta bulshada Soomaaliyeed.

Ku-simaha Gudoomiyaha Guddiga samata bixinta Qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa tilmaamay in Ganacsade Cabdi Cali Faarax uu yahay muwaadin ku dayasho mudan, waxaana uu baaq u diray ganacsatada kale ee Soomaaliyeed inay wax u qabtaan walaalahooda dhibaateysan.

Ugu dambeyntii waxaa shahaado sharaf la guddoonsiiyay ganacsade Cabdi Cali Faarax, iyadoo guddigu uu mahadcelin u jeediyay suxufiyiinta ka qeyb qaadatay samata bixinta qaxootiga Yemen laga soo daabulay raacay markabka.

.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment