4014 Views

Midowga Afrika oo Ergey cusub u magacaabay Soomaaliya

Midowga Afrika oo Ergey cusub u magacaabay Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 08 October 2015 – Guddoomiyaha gudiga Midowga Afrika Dr. Nkosazana Dlamini-Zuma,ayaa maanta Ambassador Francisco Caetano Jose Madeira, oo u dhashay dalka Mozambique,  u magacowday wakiilka gaarka ah ee midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya isla markaana madax u ah howlgalka AMISOM kaas  oo lagu bedeley  Ambassador Maman Sambo Sidikou oo u dhashay  Niger,ilaa   2010 ka.

Ambassador Madeira ayaa horey u soo qabtay xilal dhowr ah oo uu kamid yahay wakiilka gaarka ah ee midowga Afrika u qaabilsan la dagaalanka argagaxisada uu fadhigiisu yahay magaalada  Algiers ee dalka Algeria, wuxuna hadda hayay wakiilka midowga Afrika u qaabilsan arimaha jabhadda LRA ee dagaalka in muddo ah ka waday dalka Uganda iyo wadamo kale laba soo bilaabo 2011-2014.

Francisco Madeira ayaa sidoo kale waxaa uu noqotay danjiraha dalka Mozambique u fadhiyi jirey xarunta Midowga Afrika intii u dhaxeysay sanadkii 1984 -1989, iyadoo sidoo kale la taliye dhanka diblomaasiyadda ah u noqoday madaxweynaha wada hadaladii nabadeed ee dowlada ay lagashay ururka mucaaradka ah ee RENAMO, taas oo ka dhalatay in heshiis magaalada Rome bishii August  sanadkii 1992.

MidowgaMagacaabistan ayaa imaanaya xilli Midowga Afrika isku dayayo in uu nabad ku soo dabaalo Soomaaliya isla markaana lasii xoojiyay guulaha laga gaaray kooxaha argagaxisada ah,si wadada loogu xaaro doorashooyin guud oo dalka ka qabsooma markan la gaaro sanadka 216-ka.

Ambassador Madeira ayaa waxaa waajibaadkiisa shaqo waxaa kamid ah in si dhow ula shaqeeyo dowladda Soomaaliya, urur goboleedka IGAD,xafiiska siyaasada ee Qaramada Midoobay,Midowga Yurub iyo dowladaha Mareykanka iyo Ingiriiska.

Guddoomiyaha gudiga  Midowga Afrika ayaa amaan u soo jeedisay Ambassador Sidikou shaqadii uu Soomaaliya ka qabtay mudadii uu xilka hayay ,taas oo ay kamid tahay is balaaranta ay sameeyeen ciidanka xooga dalka iyo kuwo Midowga Afrika ee AMISOM.

Amassador Francisco Madeira  ayaa ku dhashay magaalada Beira ee dalka Mozambique  4 April  sanadkii 1954. Waxaa uu bartay xiriirka caalamka Jaamacad ku taala magaalada  Daaru Salaam ee Tanzania, isagoo sidoo kale shahaadada sharciga ka qaatay Jaamacada Eduardo Mondlane oo ku taala magaalada Maputo ee caasimadda dalka Mozambique.

.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment