10386 Views

Jaamacada Carlton ayaa marti-qaaday Gabadhii ka dambaysay hashtaga#CadaanStudies

Jaamacada Carlton ayaa marti-qaaday Gabadhii ka dambaysay hashtaga#CadaanStudies
____________________________________________________________________________

October 9, 2015 | Jaamacada Carlton ee ku taala magaalada Ottawa ayaa lagu casuumay in ay ka hadlaan labo gabdhood oo Soomaali ah oo la kala yiraahdo Safia Aidid iyo Hawa Mire.

Safia Aidid, oo jaamacada caanka ah ee Harvard ka diyaarisa PhD, ahna gabadhii bilawday hashtaga# CadaanStudies iyo Hawa Mire, oo ah qoraa haddana jaamacada York ka diyaarisa Master, waxaa jaamacada Carlton ku marti-qaaday The Institute of African Studies, the Institute for Comparative Studies in Literature, Art and Culture (ICSLAC) iyo Sahan Literary Forum. Barnaamijka waxaa lagu magacaabay “Can the Somali Speak?.”

Jawaabta gabdhaha aqoon yahanada ah ayaa ahaa, haa Soomaalida waa hadli karaan waana kuwa kaliya ee ka hadli kara taariikhda dhabta ah ee Soomaalida. Safia ayaa ka hadashay sidii ay ku bilaabatay doodii “CadaanStudies” iyo sida ay muhiimka u tahay in Soomaalida ay ka hadlaan taariikhdooda maadaama aysan jirin qof uga cilmi badan wadankooda iyo dadkoodaba.

“CadaanStudies” waxay ka dhalatay Journal cusub oo soo baxay bishii February 2015 oo lagu magacaabo Somaliland Journal of African Studies. Journal-kan waxaa la sheegay in lagu faaqidayo arimaha Africa gaar ahaan Soomaaliya.  Arinta dooda keentay ayaa ah journalka ma laha aqoon yahan Soomaali ah oo wax ka qora ama gudiga ku jira ama guud ahaan wax fikir ah ku leh. Waxa laga hadlayo oo baaritaanka lagu sameynayo oo lala fariisanayo oo la oganaayo taariikhdooda, afkooda, hidahooda iyo dhaqankoodana waa Soomaali.

Journaalka waxaa gebi ahaan wata oo wax ku qora aqoon yahano cadaan ah oo intooda badan yihiin Jarmal iyo American oo baaritaanada iyo aqoonta ay haystaan ay tahay dhowr bilood oo ay Soomaalida kula soo sheekeystaan Soomaaliya dabadeedna ay qoraan qoraalo ay ku sheegaan in ay yihiin cilmi baaris ku saabsan Soomaalida. Waxaa ku jira saddex aqoon yahan oo Itoobiyaan ah oo wax ka dhiga jaamacadaha Itoobiya.

Hawa Mire oo hadda ka hor qoraal dheer oo ka soo horjeeda journalka qortay ayaa tiri ayada oo muujinaysa sida loogu baahan yahay ama ay muhiimka u tahay in aqoon yahanada Soomaalida lagala tashto oo ay wax ka qoraan taariikhdooda “without Somalis, there is no Somalia. Without Somalis, there are no papers to be written, credentials to be had, or culture and history to write about.”

Hashtaga#CadaanStudies wuxuu bilaabay in laga wada hadlo yaa ku haboon in ay qoraan taariikhda Soomaalida. Aqoon yahanada Soomaalida intooda badan waxay isku raaceen in aanan loo sheegin taariikhdooda balse ay iyaga sheegaan. Warqad furan oo ay qortay Safia Aidid ayna saxiixeen aqoon yahano badan oo Soomaali ah ayay ku muujiyeen sida ay uga soo horjeedaan warqad furan oo uu qoray mid ka mid ah aqoon yahanada cadaanka ah ee wax ku qora journalka oo magaciisa la yiraahdo Dr. Markus Hoehne. Dr. Markus wuxuu qoray warqad furan oo uu ku difaacayo in uusan journaalka lahayn aqoon yahano Soomaaliyeed. Wuxuu sheegay in aysan Soomaalida lahayn aqoon yahano gaarsiisan heerkooda oo qeyb ka noqon kara cilmi baarista dadkooda iyo dalkoodaba.

cadaan_hash-6 cadaan_hash-3 cadaan_hash-10 cadaan_hash-8 cadaan_hash-4 cadaan_hash-7 cadaan_hash-1 cadaan_hash-9 cadaan_hash-11

.

.

Xigasho: Mogadishu Times

___________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment