4761 Views

Jawaari “Wadahadallada Mooshinka Berri ayay bilaabanayaan…”

Jawaari “Wadahadallada Mooshinka Berri ayay bilaabanayaan…”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 9, 2015 | Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa sheegay in maalinnimada berri ah uu bilaaban doono wadahadalka ku saabsan arrimaha mooshinkii 12ka August ay Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka soo gudbiyeen.

Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in maalinnimada berrito ah sabti taariikhduna ku beegan tahay 10ka October 2015, saacadda 11:00ka barqanimo uu si rasmi ah u bilaaban doono wadahadallada arrimaha ku xusnaa Mooshinkii 12ka August 2015.

“waxaan ku wargelinayaa dhammaan Xildhibaannada ah saxiixayaasha Mooshinkii 12ka August 2015 loosoo gudbiyey Guddoonka Golaha Shacabka iney berrito kasoo qaybgalaan wadahadalka oo ka bilaaban doona Xarunta Guddoonka iyo Guddiyada Golaha Shacabka ee Villa Hargeysa 11:00ka Barqanimo” ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya M.ne Muxammad Sh. Cusmaan “Jawaari”.

.

.

__________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment