3846 Views

Safaaradda Soomaaliya Ee Boqortooyada Sacuudi Oo Ka Warbixisay Xujeyda Waxyelada Ay Soo Gaartay

Safaaradda Soomaaliya Ee Boqortooyada Sacuudi Oo Ka Warbixisay Xujeyda Waxyelada Ay Soo Gaartay
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 09 October 2015 – Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya Boqortooyada Sacuudi Carabiya mudane Daahir Maxamuud Geelle oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa faah faahin ka bixiyay tirade Soomaalida ee sanadkani soo xajiyay, isagoo sheegay in sanadkani ay xajiyeen in ka badan 7000 oo Soomaali ah.

Safiirka ayaa tilmaamay in ay ku dhinteen dalkaasi dad Soomaaliyeed oo gudanayay waajibaadka Xajka kuwaa oo la dumay wiish, halka kuwa kale ay ku dhaawacmeen, waxaana dadka dhintay ee Soomaalida ah, waxyeelada ay ka soo kala gaartay wiishkii ku dumay xujeydii faraha badneyd, iyo isbuurashadii dhacday intii ay ku guda jireen gudashada Waajibaadka Xajka.

“Sedex Qof oo Soomaali ah ayaa ku dhimatay wiishkii ku dumay xujeydii gudanayay waajibaadka xajka, halka ay ku dhaawacmeen 2 xaaji oo Soomaali ah, dhibaatadii ka dambeysay ee isbuurashadii iyana waxaa ku dhintay 10 ruux oo Soomaali ah, halka 5 ruux oo kale ay ku dhaawacmeen, weli waxaa jira 3ruux oo la la’yahay” ayuu Yiri Danjire Daahir Maxamuud Geelle.

Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya Boqortooyada Sacuudi Carabiya mudane Daahir Maxamuud Geelle oo sii hadlay ayaa ka warbixiyay howlaha dadka Soomaaliyeed ay ugu qabteen dalkaasi, isagoo sheegay in si hufan ay ugu qidmeeyaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ayna siiyaan dadka raba baasa boorada, ayna u fuliyaan adeegyada asaasiga u ah dadkaasi ay safaaradda laga doonayo.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment