4338 Views

“Waa in la xiraa ciddii bixin weysa canshuraha guryaha”

“Waa in la xiraa ciddii bixin weysa canshuraha guryaha”
____________________________________________________________________________

Mogadishu, 09 October 2015 – Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Soomaliyeed Dr Axmed Cali Daahir ayaa sheegay habeenkii Xalay aheeyd mar uu ka qeyb galay xaflad ka dhacday degmada dharkeynley oo Ujeedkeedu  ahaa In la Bixiyo Canshuuraha Guryaha kaasi oo amarka Ku bixiyay in Cidii Bixin weyso Canshuuraha Guryaha ay tahay Qof aan aheyn Muwaadin Soomaliyed lana soo gaarsiiyo xafiiska Xeer ilaalinta Qaranka si loo Marsiiyo Waajibeeda.

Xeer ilaaliye Axmed Cali Dahir oo ay garab Taagnaayeen hey’adaha Ammaanka ayaa Amaray In D/hoose Lagala shaqeyo  sidii Loo qaadi lahaa canshuuraha Guryaha cidii Amarkaas U hogaansami Weysana La xiro waayo Waa waajib Qaran waana In dalka dib Loo dhisaa si Loo soo celiyo Bilicdii Caasimadda Soomaaliya.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Soomaaliyeed ayaa  sidaas si La mid u sheegay in ay  waajib tahay in la bixiyo Canshuuraha Guryaha( Property Tax) waa canshuur laga bixiyo Aduunka oo dhan waxaa lagu dhisaa Laamiyada iyo iskoolada dhamaan hey’addaha Amaanka waxaan farayaa in D/Hoose kala shaqeeyaan Sidii loo qaadi lahaa canshuurtaas Shacabkuna waxay Xaq u leeyihiin In Ay nagula Xisaabtamaan.

Ugu Dambeyntii Xeer ilaaliyaha iyo Gudoomiyaha G/banaadir ayaa si wada jir ah ugu dhawaaqay in la Bilaabo canshuurtaasi  loona Baahan yahay Dhamaan shacabka degan Caasimadda in ay bixiyaan lacagta ka soo baxdana lagu dhiso Jidka wadanaha iyadoo Maraysa qaabka System Caalami  ah.IMG_4192IMG_4203

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment