4356 Views

Wasiirka caafimaadka oo la kulantay dhiggeeda dalka Kuwait

____________________________________________________________________________

unnamed-16

Muqdisho, 10 October 2015 –Wasiirka caafimaadka Xukuumadda Federalka Soomaaliya Xaawo Xasan Maxamed oo Kuwait uga qeybgelaysa shirka kalfadhiga 62-aad ee wadammada Bariga iyo Mediterranean ayaa la kulantey wasiirka caafimaadka ee dowladda Kuwait Dr. Ali Al cubeydi.

Labada wasiir ayaa ka wada hadley sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal gaar ahaan dhinacyada Caafimaadka iyo in dowladda Kuwait ka qeybqaadato dib u dhiska  isbitaalada dalka, iyo sidii ay kaalin uga qaadan lahayd tababarrada dhaqaatiirta guud iyo kalkaaliyaasha caafimaadka ee dalka.

Dowlada Kuwait ayaa ballanqaadday in ay ku caawin doonta wasaarada caafimaadka gaadiidka gurmadka deg degga ah oo qalabkooda u dhameestiranyahay
Wasiirka caafimaadka Soomaaliya  ayaa sidoo kale la kulantey hay’ado caafimaad iyadoo kalana hadashay sidii ay gacan uga geysan lahaayeen baahida caafimaad ee ka jirta dalka.
kulamadaan ayaa waxaa wasiirka ku wehleyey Danjiraha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya u fadhiya dalka Kuwiat C/qadir Amin sheekh , La taliyaha wasiirka caafimaadka Dr. Abdisamid Hassan iyo u qe
ybsanaha Waxbarshada iyo Dhaqanka Safaaradda Soomaliya ee dalka Kuwait Dr. Abdilatif Xuseen.
unnamed4
unnamed-25

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment