4122 Views

Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay

____________________________________________________________________________

Weekly11-620x264Muqdisho, 10 October 2015 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay.

Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin; Xaruntii Wasaaradda Shaqada oo la dhagax-dhigay, Soomaaliya iyo Bankiga Adduunka oo heshiis kala saxiixday, Howlgalo lagu soo qabtay maleeshiyada Al-Shabaab, Dib u eegista Dastuurka oo la dardargeliyey, QM iyo Beesha Caalamka oo ammaanay horumarka Dowladda Federaalka, Madaxweynaha oo waraaqihii aqoonsiga ka guddoomay Safiirka csub ee Denmarka, Wasaarada Caafimaadka oo Tababar u furtay xarumaha caafimaadka, Olole Nadaafadeed oo si xowli ah uga socda Muqdisho, Abaalmarin la guddoonsiiyey Ganacsadihii Markabaka u direy Qaxootigii Yemen iyo Dhiirigelin loo sameeyey dumarka inay siyaasadda ka qeybgalaan.

Xaruntii Wasaaradda Shaqada oo la dhagax-dhigay

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 6dii October 2015 dhagax dhigay xaruntii Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada ee Soomaaliya, kaasi oo lagu sameynayo dib u dhis. Munaasabada dhagax-dhiga ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirada Shaqada iyo Howlaha Guud, Guddoomiyaha Degmada Shangaani iyo xubno kale. Guddoomiyaha Degmadda Shangaani Axmed Xasan Yalaxow ayaa sheegay in dib u dhiska Hay’adaha Dawladda ay qayb ka tahay dib u soo celinta bilicda magaalada iyo horumarka dalka. Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimha Bulshada Cabdiweli Ibraahim Sheekh Muudeey ayaa sheegay in dib u dayactirka xarunta Wasaaradda Shaqada ay qayb ka tahay soo celinta halkii laga maamulaayey shaqaalaha Soomaaliyeed. Ugu danbeyntii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxaamud oo dhagax dhigay dib u dayactirka xarunta Wasaaradda Shaqada ayaa ugu baaqay Hay’adaha kale ee Dawladda inay ku daysadaan mas’uuliyinta Wasaaradda Shaqada iyo Arimha Bulshada oo hay’ad waliba ay dib u dayactirato xarunteeda, kana qayb qaadato mashruuca dhiso Dalkaada oo kaalin weyn ka qaadan kara dib u dhiska xarumaha dowladda.

Soomaaliya iyo Bankiga Adduunka oo heshiis kala saxiixday

Dowladda Soomaaliya iyo Bankiga Adduunka ayaa 2dii October 2015 magaalada Nairobi ku kala saxiixday heshiis mudo shan sano ah soconayo oo ay ku baxeyso lacag dhan 144 milyan oo doolar, taasi oo lagu bixin doono mushaaraadka shaqaalaha dowlada dhexe iyo maamul goboleedyada dalka ka jira. Heshiiskan ayaa waxaa dowlada Soomaaliya u saxiixay wasiirka maaliyadda Maxamed Aadan Ibraahim (Fargeeti), iyadoo dhanka Bankiga adduunkana ay u saxiixday Mss Bella Bird oo Bankiga Adduunka u qaabilsan Soomaaliya. Saxiixa heshiiskan ayaa waxaa sidoo kale goob-joog ka ahaa wasiirka maaliyadda ee mamulkaPuntland C/llahi Shiikh Axmed, wasiirka maaliyadda Jubbaland Ibraahim Xasan Cabdi iyo wasiirada Maaliyadda Galmudug iyo Koonfur galbeed Soomaaliya. Heshiiskan ayaa waxaa sidoo kale dhankooda ka saxiixay qaar ka mid ah wadamada deeq bixiyaasha ah ee lacagtan bixiyay oo ay ka mid ahaayeen Midowga Yurub iyo dowlada Talyaaniga, waxaana dhanka dowlada talyaaniga u saxiixay safiirka dowlada talyaaniga u qaabilsan Soomaaliya Fabrizio Marcelli, halka Midowga Yurubna ay u saxiixday Ms Daria Fane. Wasiirka Maaliyadda ee xukuumada Soomaaliya Maxamed Aadan Ibraahim (Fargeeti) ayaa kadib saxiixa heshiiska u sheegay warbaahinta in mashruucan oo ay ku kaceyso lacag dhan 144 milyan oo doolar uu yahay wajigii labaad oo ay dowlada Soomaaliya la saxiixato Bangiga Aduunka. Bangiga aduunka iyo wadamada deeq bixiyaasha ayaa sanadihii ugu danbeeyay dhinacyo badan ka taageerayay dowlada Soomaaliya.

Howlgalo lagu soo qabtay maleeshiyada Al-Shabaab

Ciidamada Hey’adda Nabadsugida Iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA, iyo kuwa Midowga Africa ee AMISOM ayaa hawlgalo lagu baadi goobayo Maleeshiyaadka Argagaxisada ah ee Al Shabaab ka Sameeyay inta u dhaxeysa Magaalada Muqdisho iyo Degmada Afgooye, halkaas oo la rumaysan yahay in Argagaxisadu ay si dhuumaalaysi ah Bulshada ugu dhibaatayaan. Howlgaladani oo ahaa mid ay fulinayeen ciidamada Hey’adda Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka ee NISA, waxaana tuulooyinka ciidamada howlgalka ay ka sameeyeen ee hoostaga degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha hoose ay ku soo qabteen tiro dhalinyaro ah oo lagu tuhmayo ka mid noqoshada argagaxisada, iyadoo dadka shacabka ay la wadaagayeen ciidamada xoga la xiriira argagaxisada ee caqabada ku ah xasiloonida Soomaaliya, kuwaa oo u muujiyay in ay garab taaganyihiin Dowladooda. Afhayeenka Wasaaradda Amniga Maxamed Yuusuf Cusmaan ayaa sheegay howlgalkii maalmahan sociday in ay uga gon lahaayeen xaqiijiinta ammaanka iyo la socodka dhaq dhaqaaqyada deegaanada ay ka sameeyeen howlgalka. Hey’adaha ammaanka ee dalka ayaa wada howlo la xiriira la socodka iyo xaqiijinta Amniga, iyadoo ay joogteeyeen howlgalada lagu baadi goobaya kooxaha falaagada ah ee UGUS, waxaana sii xoogeysanaya xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya bulshada iyo hey’adaha ammaanka taasi oo suura galisay in gacanta lagu dhigo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan UGUS.

Dib u eegista Dastuurka oo la dardargeliyey

Kulan looga hadlayey dardar gelinta howlaha dib u eegista dastuurka KMG ah ee Soomaaliya ayaa 5tii October 2015 lagu qabtay xarunta Villa Hargeysa ee magalaada Muqdisho. Kulankan ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Guddiga kormeerka arrimaha dastuurka ee u qaabilsan Baarlamaanka dalka, Guddiga Madaxa banaan ee dib u eegista dastuurka, wakiillo ka socday hey’addaha deeq bixiyaasha caalamka, iyo xubno ka socday xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha Soomaaliya. Kulanka oo uu shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa u jeedadiisu aheyd sidii loo dardargelin lahaa barnaamijka dib –u-eegista Dastuurka, iyadoo qiimeyn lagu sameeyey waxyaabihi ka qabsoomay arrimihii looga hadlay kulankii kan ka horeeyey ee qabsoomay bishii September ee sanadkani. Ka qeyb galayaasha kulanka ayaa isku dhaafsaday fikrada la xariira qaabka ugu wanaagsan ee dib u eegista dastuurka KMG ah loogu guuleysan karo waqtiga loogu talo galay, iyadoo ugu dambeyntiina la isku raacay in la dhiso Guddi howleed KMG ah oo ka kooban labada guddi ee ay qusayso Arrimaha dastuurka. Dib u eegista dastuurka ayaa ah tiir ka mid ah hirgelinta hiigsiga 2016-ka, waxaana loo qorsheeyey in lagu soo afmeero howlaha dib habeynta dastuurka sanadkani 2015-ka, islamarkaana afti dadweyne lagaliyo ugu dambeyn bisha March sanadka 2016-ka.

QM iyo Beesha Caalamka oo ammaanay horumarka Dowladda Federaalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, Madaxda Midowga Afrika, Ururka Islaamka iyo Ururka Jaamicadda Carabta ayaa wada shir-guddoominayey shir muhiim ah oo arrimaha Soomaaliya looga hadlayey oo lagu qabtay xarunta QM 28kii September 2015. Shirkan ayaa waxaa goob joog ahaa madax sare oo caalamka ka socda oo uu ka mid ahaa Ra’iisul Wasaaraha UK. Arrimaha diirada lagu saaray shirkan ayaa ahaa horumarka siyaasadda, horumarka amniga, gargaarka bani’aadanimo iyo horumarka maamulka iyo maareynta Maaliyadda Soomaaliya. War-murtiyeed ka soo baxay kulanka ayaa si aad ah loogu ammaanay Dowladda Federaalka horumarka xoogga leh ee ay ka sameeyeen dhanka siyaasada, hirgelinta nidaamka federaalka, dhisida guddiyada madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha iyo maamulka iyo maareynta maaliyadda. Sidoo kale waxaa war-murtiyeedka lagu xusay in caalamku uu taageero ciidamada Dowladda Federaalka si kooxaha Al-Shabaab looga saaro goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan.

Madaxweynaha oo waraaqihii aqoonsiga ka guddoomay Safiirka csub ee Denmarka

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 5tii October 2015 warqadihii aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Boqortooyada Denmark uga wakiilka ah Soomaaliya Ms. Mette Knudsen. Madaxweynaha ayaa danjiraha uga waramey horumarka ay Soomaaliya ku tillaabsatey dhinacyada amniga, siyaasadda iyo barnaamijyada Hiigsiga 2016, iyo doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan sannadka soo socda. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale Boqortooyada Denmark uga mahadceliyey doorka ay ka qaadaneyso horumarinta iyo dib u dhiska Soomaaliya. Danjire Knudsen oo iyana halkaasi hadal ka jeedisay ayaa sheegtay in Denmark ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, iyadoo dhanka kalena soo dhoweysey horumarka dhinacyada kala duwan ee ay sameysey Dowladda Federaalka ee Soomaaliya. Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane Cabdisalaam Hadliye Cumar iyo La Taliyaha Madaxweynaha Dr Aweys Xaaji.

Wasaarada Caafimaadka oo Tababar u furtay xarumaha caafimaadka

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya Mudane Cismaan Maxmaed Cabdi ayaa 3dii October 2015 tababar la xiriira kala dheereynta Ubadka iyo daryeelka carruurta magaaladda Muqdisho ugu furay qaar ka mid ah shaqaalaha ka howlgalla xarumaha caafimaadka ku yaalla bartamaha iyo koonfurta dalka. Tababarkan dareelka carruurta iyo dheereynta Ubadka oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda caafimaadka waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda caafimaadka, wakiilo iyo marti sharaf kale. Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dr Cabdiqani Sheekh Cumar ayaa xusay in qorshaha kala dheereynta ubadka ay faa’iido ugu jirto qoyska oo ay ka badbaadeyso hooyada in uu ku dhaco cudurka cancer-ka naasaha, isgaoo xusay in canunga uu fursad u helayo in labo sano la nuujiyo. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya Mudane Cismaan Maxmaed Cabdi oo furay tababarka ayaa xusay in qoyska ay muhiim u tahay kala dheereeynta ubadka, waxaana uu ka mahadceliyay inta ka soo qayb gashay siminaarka.

Olole Nadaafadeed oo si xowli ah uga socda Muqdisho

Maamulka Gobalka Banaadir ayaa 6dii October kormeeray qaar ka mid ah Degmooyinka gobalka oo ay ka socoto olole nadaafadeed, iyagoo u kuur galayay tartanka bilic soo celinta caasimadda, kaasi oo uu dhawaan ku dhawaaqay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho. Olalahan nadaafada ayaa si xowli ah uga socday Muqdisho maalmaihii la soo dhaafay, iyadoo Degmooyinka Waabari, Hodan iyo Wadajir ay ka dhacday Isku soo bax balaaran oo ay dadweynaha ay ugu qeyb qaadanaayen Hormarinta Nadaafada. Guddoomiye Ku-xigeenka Siyaasadda ee maamulka gobalka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye iyo qaar ka mid ah maamulada Degmooyinka gobalka ayaa si wada jir ah u kormeeray Degmooyinka Waabari, Hodan iyo Wadajir oo ay ka socotay olole nadaafadeed oo sare loogu qaadayo bilicda caasimadda.

Abaalmarin la guddoonsiiyey Ganacsadihii Markabaka u direy Qaxootigii Yemen

Munaasabad si heer sare loo soo agaamisay ayaa 7dii October 2015 ka dhacday Muqdisho oo lagu soo dhaweynayay, isla markaana shahaado sharaf lagu gudddoonsiinayay ganacsade Cabdi Cali Faarax oo ahaa ganacsadihii Markabka ugu deeqay in kumanaan Qaxooti Soomaali iyo Yameniin ah oo ku xanibnaa dalka Yeman laga soo qaado. Munaasabadan ayaa waxaa soo qaban qaabiyey Guddiga Samata-bixinta Qaxootiga Soomaaliyeed, waana ka qeybgalay Madax Dhaqameed, culimaa’udiin, ganacsato, ururada bulshada rayidka, haween iyo marti sharaf kale. Munaasabadda ayaa waxaa ka hadlay qeybaha kala duwan ee bulshada kuwaasi oo mahadcelin balaaran u jeediyay ganacsade Cabdi Cali Faarax sida uu ugu gurmaday muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Yemen ku xanibnaa, waxaana ay intaa ku dareen in bulshada Soomaaliyeed aysan iloobi doonin abaalka uu u galay. Ganacsade Cabdi Cali Faarax oo hadal kooban jeediyay ayaa uga mahadceliyay Guddiga sida ay ugu garteen inay shahaado sharaf guddoonsiiyaan, waxaana uu intaa ku daray in markasta ay ka go’antahay caawinta bulshada Soomaaliyeed. Ku-simaha Gudoomiyaha Guddiga Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa tilmaamay in Ganacsade Cabdi Cali Faarax uu yahay muwaadin ku dayasho mudan, waxaana uu baaq u diray ganacsatada kale ee Soomaaliyeed inay wax u qabtaan walaalahooda dhibaateysan. Ugu dambeyntii waxaa shahaado sharaf la guddoonsiiyay ganacsade Cabdi Cali Faarax.

Dhiirigelin loo sameeyey dumarka inay siyaasadda ka qeybgalaan

6dii October 2015 ayaa Xaflad shahaadooyinka lagu guddoonsiinayay labaatan arday oo ku guuleysatay tartan ku saabsanaa ka qeyb galka haweenka ee siyaasadda lagu qabtay magaalada Muqdisho. Xafladan ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya, ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, ururada haweenka Qaranka iyo kan gobolka banaadir, bulshada rayidka, qaar ka mid ah maamulada dalka ka jira, Jaamacada dalka, arday iyo marti sharaf kale. Dhaq dhaqaaqa gabdhaha Soomaaliyeed ee sidii haweenka Soomaaliyeed ay uga qeyb geli lahaayeen siyaasadda dalka, ururka Midowga Ardayda Jaamacadaha magaalada Muqdisho iyo marti sharaftii kale ee kasoo qeyb galay ayaa ku dheeraaday muhiimada ay leedahay in ardayda kartida iyo dadaalka muujinaya la dhiira geliyo. Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Nicholas Key ayaa sheegay in tani ay muujineyso sida midnimada iyo dowladda Soomaaliya ay u soo laabatay, ayna dhiiri gelinayaan ardayda Soomaaliyeed ee hal abuurka leh. Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha Mudane Maxamed Cabdullaahi Xasan “Nuux”, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Khadra Bashiir Cali iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta xuquuqul insaanka Soomaaliya Muumina Sheekh Cumar oo goobta hadalo ka jeediyay ayaa sheegay in haweenka Soomaaliyeed ay kaalin weyn ka qaateen horumarka dalka, loona baahanyahay in mar walba la taageero. Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” ayaa tilmaamay in haweenka oo la dhiiri geliyo ay muhiimad u leedahay bulshada Soomaaliyeed. Mas’uuliyiintii munaasabada ka qeyb galay ayaa waxa ay shahaadooyin guddoonsiiyeen ardaydii ku geeleysatay tartankii mudada dhowrka bil ah soo socday, isla markaana ardayda ay ku tar tamayeen ka qeyb galka haweenka ee siyaasadda. Samiiro Xuseen Ducaale, Cabdiweli Cabdullaahi Xuseen iyo Faadumo Cabdi Cali oo ka mid ah dhallinyarada maanta shahaadooyinka la gudoonsiiyay loo gartay inay noqdaan danjirayaasha arrimaha horumarinta

Haweenka iyo sidoo kale horumarinta dhallinyarada.

UK01

Switzerland0

Denmark

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment