4398 Views

Roobabka deyrta oo xalay ka curtay Beledweyne

Roobabka deyrta oo xalay ka curtay Beledweyne
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 12 October 2015- Roobab lagu diirsaday ayaa xalay waxaa ay ka da’een deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan oo ay ku jirto magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Wariyaha gobolka Hiiraan ugu soo warama warbaahinta qaranka C/shakuur  Cismaan Cali oo saaka soo maray qeybo kamid ah magaalada ayaa soo sheegaya in uu arkayay shaqaalaha dowladda Hoose oo howlo nadiifin ah ka wada bulaacadaha biyaha mari jireen oo xirmay.

Duqa magaalada Beledweyne Cumar Aadan Deeqow oo wariyaheena kula kulmay gudaha magaalada ayaa u sheegay in roobabkii xalay ka da’ay magaalada Beledweyne aysan jirin wax dhibaato ah oo ay gesteen, isagoo shacabka ku dhaqan magaalada ku amray in ay ku dadaalaan nadaafadda maadaama xilli roobaad lagu jiro.

Cumar Aadan Duqa magaalada ayaa sidoo kale sheegay in ay u diyaar garoobeen haddii fatahaad ay ku timaado magaalada isla markaana xaafad kasta meel ka baxsan magaalada u diyaariyeen.

 

 

.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment