4725 Views

Wasiirka warfaafinta oo ka hambalyay munaasabadda maalinta calanka

____________________________________________________________________________

WASIIR-MAREYE-620x264

Muqdisho, 12 October 2015- Wasiirka warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir “ Maareeye” oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa shacabka Soomaaliyeed u direy hambalyo ku aadan maadaama maanta ay ku began tahay maalinta calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya kaas oo la sameeyay sanadkii 1954 oo hadda laga joogo 61 sano.

“Maanta oo ah maalin taariikh leh waa maalintii ugu horeysay oo calan Soomaaliyeed oo shan gees leh oo buluug ah la aas aasay la isku raacay, laga taagay magaalada Muqdisho iyo xarumaha beesha caalamka fadhiyada u ah sida xcarunta Qaramada Midoobay Soomaaliya calnka yeelatay umadda jirta ay noqotay weeye maanta.” Ayuu yiri Mudane Maareeye.

Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” wasiirka warfaafinta ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay weyneyaan munaasabadan isla markaana ka shaqeeyaan midnimada ummadda Soomaaliyeed, waxaayan uu u rajeeyay in ay ummadda Soomaaliyeed ay horumar gaar ahaan sanadkan sanadkiisa kale.

“Waxaan ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed in ay midnimadooda iyo wadajirkooda ka shaqeeyaan, dhibaatooyinkii laga dhaxley dagaaladii sokeeye iyo kala qeybsanaanta meelaha qaarkood ka jirta meesha laga saaro.” Ayuu hadalkiisa ku daray wasiirka.

Allaha u naxariistee Maxamed Cawaale Liibaan ayaa fikirkiisa iska lahaa calanka buluuga ah oo shanta xidig dhexda ku leh  12 bishii Octoober sanadkii 1954 ayaana aheyd maalintii ugu horeysay ee calanka la taago.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment