4710 Views

Mowshinkii ka dhanka ahaa Madaxweynaha oo maanta la soo afjaray

Mowshinkii ka dhanka ahaa Madaxweynaha oo maanta la soo afjaray
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 13 October 2015 – Kulan lagu soo afjarayey Qodobadii ku xusnaa Mowshinkii  Madaxwayna jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sh, Maxamuud ay ka keeneen xubno ka tirsan barlamaanka,  12-kii Agoosto ee sanadkan ayaa maanta lagu qabtay  Villa Hargaysa ee magaaladda Muqdisho.

Kulanka oo ay ka qeybgaleen guddoomiyaha Barlamaanka Prof. Jawaari, R/wasaare Sharma’arke  iyo mudanayaal ka tirsan  Baarlamaanka  ayaa laga soo saaray qodobo wax looga qabanayo  eedaymihii  ku xusnaa mowshinka Madaxwayanha, oo aysan  ku jirin  qodobkii ahaa  qiyaano Qaranka  oo horay laysugu raacay in  uu yahay wax kama jiraan.

Qodobada la isku raacay in wax laga qabto ee ku  xusnaa  ,moowshinka, waxaa ka mid ah,   Arrimaha garsoonka iyo caddaaladda,`kala soocidda awoodaha  hay’addaha dowladda, hay’addaha amniga iyo nabad sugidda, hantidda guurtada iyo maguurtada ee dowladda iyo dadwaynaha,  heshiisyadda iyo qarandaraasyadda  la galayo,iyo la dagaallanka musuq-maasuqa hay’adaha dowladda.

Qodobada lagu heshiiyay waxaa si wadajir ah u saxiixay  guddoomiyaha Barlamaanka iyo Ra’iisulwasaraaha dalka oo madaxwaynhu u xilsaartay wada xaajoodka.

Xildhibaannadii horay u saxiixay moshinka ayaa si wayn u soo dhaweeyay  soo afjaridda  mooshinka, waxayna  ka codsadeen in la fuliyo qodobadaasi maaddama sababta ay u keeneen  mooshinkaasi  ay ahayd  toosin.

Ra’iisalwasaraha xukumadda federaalka Soomaaliya Dr. Cumar Cabdirashiid Cali Sharmake  oo kulanka  ka hadlay aya ballan qaaday in ay xukumadu ka shaqayn doonto  hirgalinta qodabadan lagu heshiiyey ee lagu soo afjaray mowshinkii Madaxwaynaha ay ka keeneen mudanayaal ka tirsan Barlmanka.

Guddoomiyha  golaha shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan oo gaba gabadii kulanka ka hadlay ayaa u mahadceliyey guud ahaan  xildhibannadda Barlamaanka, waxaa uuna kula dar daarmay in ay ka shaqeyaan   dardar galinta howlaha culus ee horyaalla golaha shacabka  Soomaaliyeed.

.qodobadii-moshinka-1

qodobadii-moshinka-2qodobadii-moshinka-31qodobadii-moshinka-4qodobadii-moshinka-5qodobadii-moshinka-6qodobadii-moshinka-7qodobadii-moshinka-8qodobadii-moshinka-9qodobadii-moshinka-10qodobadii-moshinka-11

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment