5235 Views

Shirka Golaha Wasiirada lagu meel mariyay siyaasada Caafimaadka iyo Dawada

Shirka Golaha Wasiirada lagu meel mariyay siyaasada Caafimaadka iyo Dawada
____________________________________________________________________________

Muqdisho, October 15, 2015 | Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, waxaana kulankan shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke, iyadoo kulankan qodobada looga hadlay ay ka mid ahaayeen, qaab Siyaasadeedka Caafimaadka iyo Dawada iyo Soo jeedinta Wadahadaladii Xalinta Qodobada ku xusnaa Mooshinka.

Ugu horeyn Wasiirka Caafimaadka Marwo Xaawo Xasan Maxamed ayaa golaha Wasiirada u soo bandhigtay, sharaxaad dheerna ka bixisay qorshaha Qaab Siyaasadeedka Caafimaadka iyo Dawada, waxayna xustay in ujeedada qorshahani uu yahay in la illaaliyo, lana horumariyo caafimaadka qofka iyo kan bulshada.

Sidoo kale, Marwo Xaawo Wasiirka Caafimaadka ayaa sheegtay in Siyaasada Dawadu ay tahay in la sameeyo, lana horumariyo adeegga qeybta Daawooyinka, iyada oo la isticmaalayo awooda dhaqaale iyo mida shaqaale ee la heysto, si loo haqabtiro baahida dadweynaha ee ka hortagga, baarista iyo daweynta Cudurada.

Ugu dambeyntiina, golaha Wasiirada ayaa cod gacantaag ah ku meel mariyay Siyaasada Caafimaadka iyo Dawada.

Sidoo kale, Golaha Wasiiradu waxa ay ka hadleen qodobadii ka soo baxay wadahadaladii xallinta Mooshinka ee ka dhanka ahaa madaxweynaha, iyaga oo soo dhoweeyey.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Mudane Cumar Cabdirashiid ayaa faray xubnaha golaha Wasiirada inay si dhaqso leh ugu howlgalaan, fuliyaana waajibka Wasaarad kasta uga aadan fulinta Qodobadii ka soo baxay Wadahadalka Xalinta Mooshinka.

shirka-golaha-wasiirada-2 shirka-golaha-wasiirada-3 shirka-golaha-wasiirada-1

.

.

________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment