6438 Views

Wasiirka Maaliyada oo dalka dib ugu soo laabtay

Wasiirka Maaliyada oo dalka dib ugu soo laabtay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | October 15, 2015 | Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Aden Ibrahim “Farkeeti” ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii ay magaalada Lima ee wadanka Peru ay uga soo qeyb galeeen shirkii sanadlaha ahaa ee Bangiga Adduunka (World Bank) iyo Hay’adda Lacagta ee Caalamka (IMF).

Wasiirka ayaa safarkiisa waxaa ku weheliyey Guddoomiyaha Bangiga Dhexe Soomaaliya Bashiir Ciise, khubaro iyo howlwadeeno ka socda Wasaaradda Maaliyadda iyo Bangiga Dhexe. Shirka ayaa waxaa looga hadlay xaalada guud ee dhaqaalaha adduunka, sidii loo yareeyn lahaa saboolnimada iyo hagaajinta siyaasadaha dhaqaale.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa waxay shirar gaar-gaar ah la qaateen madaxda sare ee Bangiga Adduunka, Hay’adda Lacagta ee Caalamiga (IMF), Marayknaka, Sweden, UK, Denmark iyo Bangiga Horumarinta Islaamka.

“Waxaan shir gaar ah la qaadanay madaxa Hay’ada Lacagta Caalamka (IMF) Mrs Christine Lagarde waxayna Dowladda Soomaaliya ugu hambalyesay inay markii ugu horeysay muddo 26 sano Dowladda Soomaaliya ku guulaysato inay wax weyn ka bedesho maamulka maaliyadda iyo koboca dhaqaale dalka, iyo  sida ugu dhaqsiyaha badan in Soomaaliya looga cafin lahaa deymaha lagu leeyahay iyo sidii dib loogu soo noolayn lahaa shilinka Soomaaliga”ayuu yiri Wasiir Farketi.

 Sidoo kale Wasiirku wuxuu kulan la yeeshay wafdi Mareykan ah oo ay hogaaminayso Mrs Marso Lago oo ka tirsan Waaxda Lacagta. Wuxuu Wasiirku warbixin ka siiyey xaaladda siyaasadeed, dhaqaale iyo amni ee wadanku marayo. Sidoo kale Mrs Marso ayaa dhankeeda soo dhoweysay guulaha ay dowladda Soomaaliya ku talaabsatay, waxayna xaqiijisay in Mareykanku sii kordhin doono caawinaada ay siiyaan Soomaaliya, dib u eegisna ku sameyn doonaan qaabka ugu haboon ee dowladda loo caawin lahaa.

Wafdiga ayaa dhanka kale la kulmeen Wasiirka Horumarinta wadanka Boqortooyada Ingiriiska waxayna ka wada hadleen horumarka Dowladda Soomaaliya ka sameysay dhanka hogaajinta maamulka maaliyadda waxayna xaqiijiyeen in Soomaali tusaale u tahay wadamada  kale eek a soo kabsanayo dagaalada sokeeye.

Wafdiga ayaa sidoo kale wuxuu la kulmay Wasiirada Horumarinta dalka Sweden Mrs Isabelle Lovin, waxayna  iska xog wareysteen iskaashiga soo jireenka ah ee labada wadan ka dhexeeya iyo sidii loo dar-dar gelin lahaa isla markaana loo taageeri lahaa dadka Soomaalida ee dalka ku soo noqonaya.

Ugu dambeynaa wasiirka iyo wafdigiisa waxay kulan la qaateen madaxa Bangiga Horumarinta Islaamka Mohamed Axmed Cali iyo howl wadeenada Bangiga. Wasiirka wuxuu uga warbixiyey xaalada wadanka uu marayo iyo baahida ay Soomaaliya u qabto in laga taakuleeyo dib u soo nooleynta dhaqaalaha wadanka iyadoo ahmiyad la siinayo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo dhanka wax soo saarka sida: Beeraha, Kaluumaysiga iyo Xoolaha.

“Waxaan balan qaadaynaa inaan sii kordhin doono taakulaynta uu Bangiga Islaamku la garab taagan yahay walaalaheena Soomaaliyeed, waxaana laga caawinayaa dhanka tababarada iyo dib u dejinta qaxootiga dib ugu soo laabanayo dalka.” Ayuu yiri Mohamed Axmed Cali.

wasiirka-maaliyada-10 wasiirka-maaliyada-9 wasiirka-maaliyada-8 wasiirka-maaliyada-7 wasiirka-maaliyada-6 wasiirka-maaliyada-5 wasiirka-maaliyada-4 wasiirka-maaliyada-3 wasiirka-maaliyada-2 wasiirka-maaliyada-1

.

.

_______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment